Argentina Oo Qalbi Jabisay Netherlands Una Soo Baxday Finalka KA

0
Thursday July 10, 2014 - 11:03:34 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Argentina Oo Qalbi Jabisay Netherlands Una Soo Baxday Finalka KA

    Xulka qaranka Argentina ayaa iska xaadirisay finalka koobka aduunka kadib markii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka qaranka Argentina ayaa iska xaadirisay finalka koobka aduunka kadib markii

ay rikoodhayaal kaga adkaatay xulka qaranka Netherlands. Ciyaarta ayaa 90 kii daqiiqo ku dhamaatay gool la’aan, waxaana lagu daray waqtiga dheeriga ah ee 30 daqiiqo ah, labada dhinac ayaan wax goolal ah kala dhalin waqtigii dheeriga ahaa. 

Sida sharciga kubbada cagtu dhigaayo waxaa lagu kala saaray rekooreyaal. Goohayaha Argentina ayaa noqday halyayga badbaadiyay xulkiisa kadib markii uu badbaadiyay laba rekoore sidaana wxay Argentina 4:2 ku garaacday xulkii loo taag la’aa ee Netherlands.Wali waxa sii socda nasiib xumada xulka Holland iyagoo markale ku laaban doona gurigoodii inkasta oo ay dadaal fiican ka muujiyeen koobka duunka.

Argentina ayaa finalka koobka aduuka la ciyaaridoonta xulka Germany oo isago soo xasuuqay xulka qaranka Brasil.Argentina ayaa hadda ku riyoonaysa inay ku guulaysato koobka aduunka waxayse u baahan tahay inay sidii ay u dhaafi lahayd dhul gariirkii Brasil xaaqay ee Germany.

Tababraha Netherlands ayaa qaadan waayay go’aankii kulankii hore ee uu Tim Krul badalka ku soo galiyay kaas oo xulkiisa ka badbaadiyay laba rekoore balse Krul ayaa isaga oo faraha cunaaya daawanaayay saxiibkii Cillessen oo arintu ku cakirantahay. Cillessen ayaan wax rekoore ah ka badbadin Argentina iyagoo dhamaan afartii ay laagteen shabaga ku hubsaday waxaana ugu hor laagtay kabtankooda lionel Messi.

Sawirada kulanka Netherlands iyo Argentina:

Romero

maxi

romessi

1

11

ne

n

arrr

ar

arb

aree

argg




Afkashacabka.com /Cayaaraha

Contact@afkashacabka.com