Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Lix Sanno Oo Xadhig Ah Ku Xukuntay Kooxdii Fulisay Qaraxii Jabuuti

0
Thursday May 04, 2017 - 17:32:11 in by Burco Office
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Lix Sanno Oo Xadhig Ah Ku Xukuntay Kooxdii Fulisay Qaraxii Jabuuti

    Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Lix Sanno Oo Xadhig Ah Ku Xukuntay Kooxdii Fulisay Qaraxii Jabuuti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Lix Sanno Oo Xadhig Ah Ku Xukuntay Kooxdii Fulisay Qaraxii Jabuuti

Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa toddobaadkan Lix sanno oo xadhig ah ku riday mid ka mid ah kooxdii ka danbaysay qaraxii kooxda Alshabaab u gaysatay dalka Jabuuti.


Ninkan oo lagu magacaabo Cabdisalaan Maxamed Warsame, isla markaana laga soo qabtay Gobolka SOOL, ayaa lagu helay in uu shandadii ay ku jireen Suumamkii ay isku qarxiyeen Ninkii iyo gabadhii fuliyey qaraxii Jabuuti.

Cabdisalaan ayaa maxkamadda iyo Booliiska u qirtay in shandada Suumamka ah ee lagu qarxiyey qaar ka mid ah Jabuuti looga soo dhiibay magaaladda Laascaanood, isla markaana uu gacanta ka galiyey ninkii loogu soo dhiibay oo ay hore xukuumadda Somaliland ugu wareejisay Dalka Jabuuti.

Sidoo kale, waxay Maxkamadda Rafcaanka Hargeysa dhagaysanaysaa dacwad la xidhiidha dhacdadan oo dadkii hore loogu xukumay ay ka soo Rafcaan qaateen, halka kuwo kale ay dhamaysteen xukunaddii lagu riday, ayaa iyaduna maanta soo saartay xukuno u dhaxeeya Lix sano illaa shan iyo toban sano.

Maxkamadda Rafcaanku waxay xukun gaadhay Lix sano ku ridayKawsar Maxamuud Cismaan oo ka mid ahayd kooxdaasi, halka Ninkeeda oo la yidhaa MUKHTAR SH AXMED XASAN lagu xukumay isagoo maqan shan iyo toban sano oo xadhig ah.

Maxamed Cabdi Cismaan oo ku magac Dheer Bukhaari ayaa isna isagoo maqan lagu xukumay shan iyo toban shano oo xadhig ah, waxaanay labada maqan ba yihiin laba sarkaal oo ku soo tababartay xarumaha alshabaab ee Baraawe iyo Kismaayo Hoon-jiingo iyo Godane, iyagoo ahaa maskaxdii ka danbaysay qaraxii Jabuuti.

Hodan Axmed Cali iyo Muuse Hiraab ayaa ahaa labadii qof ee fuliyey qaraxii lala eegtay dalka Jabuuti, halkaas oo ay labaduba ku dhinteen.

Dawladda Jabuuti ayaan iyadu wax go’aan ah wali ka gaadhin xubnihii ka mid ahaa silsiladiii qaraxyadaas ku lugta lahaa oo ay Somaliland hore ugu gacan galisay, halka ay waliba Somaliland gacan weyn ka siisay baadhista dacwada loo haysto Eedaysanayaashaas.

Qaraxii Jabuuti ayaa ahaa kii ugu danbeeyey ee ay fuliyaan kooxda Alshabaab, kadib markii la qab qabtay inta badan dadkii gacanta ka gaystay.