Naadiga somaliland pen oo tacsi u diraya qalinleyda iyo hal-abuurka soomaaliyeed‏

0
Friday July 11, 2014 - 14:45:44 in by Super Admin
  • Visits: 992
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Naadiga somaliland pen oo tacsi u diraya qalinleyda iyo hal-abuurka soomaaliyeed‏

    Aniga ah oo Siciid Maxamuud Gahayr kuna hadlaya magaca guddoonka, xubnaha iyo guddiga fulinta ee Somaliland Pen: Naadiga Qalinleyda iyo ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aniga ah oo Siciid Maxamuud Gahayr kuna hadlaya magaca guddoonka, xubnaha iyo guddiga fulinta ee Somaliland Pen: Naadiga Qalinleyda iyo ..

Hal-abuurka Somaliland waxa aan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo bahweynta Puntland PEN oo uu ka baxay Marxuum Axmed Sheekh Jaamac oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Garoowe.


Marxuumku waxa uu ahaa xubin waayo-arag arag ah oo aanu ka wada tirsanayn SOMALI PEN, waxa aanu ka wada qayb-galnay sannad-guuradii afartanaad ee qoraalka Afka Soomaaliga oo lagu qabtay caasimadda Jabuuti 17-21/Disember/2012. Sidoo kale waxa uu noqday Wasiirka Warfaafinta ee Puntland.


Eebbe ha ka waraabiyo jannadii Fardawsa, dhammaan ehelka, qoyska, qalinleyda iyo saaxiibbada uu ka baxayna ha ka siiyo samir iyo iimaan run ah.. Innaa lillaah wa innaa Ilayhi raajicuun..


Xafiiska Somaliland PEN

Hargeisa / Somaliland

saedmgahair@hotmail.com