Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Marxuum Ambassador Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir)

0
Saturday May 06, 2017 - 17:19:38 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 517
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Marxuum Ambassador Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir)

    Hargeysa(AFKA);Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Marxuum Ambassador Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Marxuum Ambassador Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir)

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariisteeMarxuum Ambassador Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir)oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 05.05.2017, dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada New York City.

Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dhamaan ummadda ku hadasha afka Soomaaliga, gaar ahaan Reer Somaliland, waxaanu marxuumku ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu magaca weyn dhulka Soomaalidu degto, xilkii u danbeeyey ee uu Qaranka somaliland ka soo qabtayna waxa uu ahaa Safiirka Somaliland ee Dalka Kenya u fadhiya.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.