TACSI:-Guddoomiye Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Ambassador Sifir oo Ku Geeriyooday Dalka Mareykanka.

0
Saturday May 06, 2017 - 20:15:29 in by Burco Office
  • Visits: 532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TACSI:-Guddoomiye Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Ambassador Sifir oo Ku Geeriyooday Dalka Mareykanka.

    Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanada Golaha Wakiilada, hoggaanada,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanada Golaha Wakiilada, hoggaanada,
guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh uu u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Ambassador Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir) oo 05/05/2017ka ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa sida oo kale uu tacsi taas la mid ah u dirayaa ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii, wax-garadkii, siyaasiyiintii iyo aqoonyahankii uu ka baxay Marxuumkaasi isaga oo ku sifeeyey in uu ahaa siyaasi weyn oo ka baxay guud ahaan umadda afka Soomaaliga ku hadasha isla mar ahaantaana ka mid ahaa siyaasiyiinta waaweyn ee magaca ku leh dhulalka Soomaalidu degto isaga oo xilal muhiim ah ka soo qabtay jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambeyn, guddoomiye Cirro, waxa uu Marxuumka Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo, naxariistiisii jannatul Fardowsana uu Eebe ka waraabiyo. Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.


 

 

Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI

Hargeysa, Somaliland