Ismaaciil Haniya oo noqday hogaamiyaha Xamaas

0
Sunday May 07, 2017 - 09:28:25 in by Burco Office
  • Visits: 599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ismaaciil Haniya oo noqday hogaamiyaha Xamaas

    Ismaaciil Haniya oo noqday hogaamiyaha Xamaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ismaaciil Haniya oo noqday hogaamiyaha Xamaas

Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta ayaa shaaca ka qaaday in Ismaaciil Haniya loo doortay hogaamiyaha guud ee dhaqdhaqaaqaasi. Waxa uu xilka kala wareegayaa Khaalid Mishcal oo muddadii loogu talagalay hogaanka hayay.

Ismaaciil Haniya oo 54 jir ah ayaa ku nool marinka Gaza, halkaasi oo ay Xamaas ka talinaysay tan iyo sanadkii 2007.

Waxaa loo arkaa in uu yahay nin waaqaca fahansan, oo Xamaas ka khafiifin kara go'doominta caalamiga ah ee saaran.

Ururkaasi ayaa maalmo ka hor shaaciyay siyaasad cusub oo loo arko in uu ku bedelayo qaar ka mid ah afkaartiisa.

Waxaa ka mid ah in markii ugu horaysay ay Xamaas sheegtay in ay diyaar u tahay aqbalida waddan Falastiiniyiintu leeyihiin, kaasoo ku salaysan xuduudihii ka horeeyay dagaalkii 1967-dii, balse aanay aqoonsaneyn Israa'iil.

Waxa ay sidoo kale siyaasada cusub ee Xamaas dhigaysaa in dagaalkooda aanu ku wajahnayn Yuhuuda ee uu ku aaddan yahay "kuwa xoogga ku haysta dhulkooda".

Afhayeen u hadlay ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa sheegay in Xamaas "ay isku dayayso marin habaabinta caalamka, balse aanay ku guulaysan doonin.