KU NAAXI IIMAANKAAGA ARIMAHAN!‏

0
Friday July 11, 2014 - 17:44:27 in by Super Admin
  • Visits: 936
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KU NAAXI IIMAANKAAGA ARIMAHAN!‏

    mahad oo dhan Illaahay ayaa leh nabad gelyo iyo naxariisina Rasuulkeena korkiisa ha ahaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

mahad oo dhan Illaahay ayaa leh nabad gelyo iyo naxariisina Rasuulkeena korkiisa ha ahaato.

waxaynu maqalnaa had iyo goor hebel wuu naaxay marka qof uu buurnaado
ama hebel koritaankiisu wuu kordhayaa, ama hebel iyo heblaayo
aqoontoodaa korodhay ama naaxday.
weli ma is waydiinay iimaanku miyuu kordhaa ama naaxaa? iimaanku miyuu
caatoobaa ama naaqisaa? iimaanku miyuu siyaadaa oo naaqisaa?
jawaabtaa oo koobani waa haa IImaanku wuu naaxaa ama kordhaa iimaanku
wuunaaqisaa oo caatoobaa,
hadaba walalayaal waxaa mudan inaan falanqayno maxaa kordhiya ama
naaxiya iimaanka sidoo kale maxaa naaqusa iimaanka?
iimaanku waa shay Ilaah swt uu bixiyo wuxuu ku naaxaa wax kastaa oo
Illaah jecel yahay oo aynu samayno wuxuuna ku naaqusaa wax kasta oo
Illaah neceb yahay oo aynu samayno

Waxyaabaha naaxiya Iimaanka.
Quraanka kariimka ah akhriskiisa ku camal falkiisa iyo ku tadaburkiisa.
Axaadiista Rasuulkeena calayhi salaatu wasalaam oo la barto lana
dhegaysto laguna camal falo.
Dikriga Illaahay iyo xuskiisa oo la badiyo. sida subxaan Allaah
alxamdulilaah alahu akubar.
Saliga rasuulkeena oo la badiyo Calayhi salaatu wasalaam.
Salaadaha faralka ah oo lagu tukado jamaca ( waa raga).qofka salaada
faralka ah ku tukada jamaca wuxuu dheeryahay dadka aan ku tukan jamaca
27 derejo salaadiiba ka soo qaad haduu qofku ku tukado 5 ta salaadood
jamac wuxuu helay 5x27=135 derejo hadii uu ku tukado jamac sanad wuxuu
helayaa 135x365=49275 oo derejo bal ka warama walaalayaal fadligaas
intaa uu le'eg yahay waa sanadkii hadii uu qofku ku tukado jamaca 40
sano wuxuu helayaa 40x49275=1971000 oo derejo .
salaadaha Sunaha ah oo la tukado
salaatulaylka oo la joogteeyo.
wanaaga oo dadka aad u sheegto xumaantana ka reebto.
waxaa kordhiya iimaanka hadalka wanaagsan
waalidka oo loo samo falo loona dhega nuglaado
qaraabada oo la xidhiidhiyo.

maanta halkaas aynu ku joojino
Hussein Jama Guudcade