Maxkamadda ICC oo arruurinaysa tacadiyada muhaajiriinta loogu gaysto Liibiya

0 in by Ankara Turkey
  • Visits: 506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda ICC oo arruurinaysa tacadiyada muhaajiriinta loogu gaysto Liibiya

    Maxkamadda ICC oo arruurinaysa tacadiyada muhaajiriinta loogu gaysto Liibiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda ICC oo arruurinaysa tacadiyada muhaajiriinta loogu gaysto Liibiya
Dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, Fatou Bensouda, ayaa sheegtay in kooxdeedu ay uruurinayaan caddeymo ku aaddan dambiyada la sheegay in loo gaystay muhaajiriinta ka talowda badda dalka Liibya.
Bensouda ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo fadhigoodu yahay magaalada New York u sheegtay in Liibiya ay u muuqato inay suuq u noqotay dadka la tahriibiyo, iyadoo kumannaan muhaajiriin ah oo nugul oo ay ka mid yihiin haween iyo carruur lagu haysto qeyba ka mid ah dalkaasi.
Liibya waxay noqotay halka ay sii maraan muhaajiriinta doonanaya in ay galaan Yurub ee beegsanaya tahriibka badda.
Sida ay sheegtay hay'adda caalamiga ee soo galootiga ee IOM 20 kun oo muhaajiriin ah ayaa gacanta ugu jira kooxo burcad ah waxaana lagu hayaa xarummo ama goobo aan sharciyeysnayn.
Waxay intaasi ku dartay in tiro intaasi ka badan laga ganacsado oo la isku dhaafsado sida addoontii.
Boqolaal ku dhimatay xeebaha Liibiya
Britain oo lagu eedeeyay duullaankii Liibiya
Talyaaniga iyo Liibiya oo iska kaashanaya xakameynta tahriibka
Waxaa loo gaystaan xadgudubyo dhinaca galmada ah, isla markaasna waa lagu shaqeystaa.
Gollaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 2011-kii waydiistay maxakamada ICC in ay baaritaano ku samayso falal dambiyeedyada lagu la kacay muhaajiriinta, iyadoo isla sanadkaasi ahaa bilawgii kacdoonkii xukunka lagaga tuuray hoggaamiyihii hore ee Libya Mucamar Al-Qadaafi