Xukuumadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday In Dawlada Itoobiya Saami Ku Leedahay Dekeda Magaalada Berbera Iyo Xadiga Saamiga La Siiyey.
Saamigan ayaa waxaa uu wasiirku ku sheegay in ay tahay 19% ( Boqolkiiba Sagaal iyo Toban ) waxaana shaacintani ay ku soo beegmaysaa xili ay maanta xukuumada Somaliland dekada Magaalada Berbera maamulkeeda si rasmi ah ugu wareejineyso shirkada Dp World waxaana uu yidhi.
"Maanta ayey si rasmi ha ula wareegeen Shirkada Dp World dekeda magaalada Berbera,mar hore ayay shaqadii sii bilaabmatay oo ay usii socotay 1-dii March ayaa shaqadda lasii bilaabay maantana waa wareejintii uun,markaa een shirkadan DP World ee shaqaynaysa wasaaradda ganacsiga ayaa liisanka siisey si cadi ah ayeyna u shaqaynayaan oo hawshooda u wataan,shirkada Dp World shaqaalihii way la wada wareegtay wax baaqi ah oo ka hadhsanaa ma jirto,shaqaale markii danbe la qoray ayaa jira oo Afartaneeyo gaadhaya oo cabasho soo gudbiyeykuwiina waxaan kala hadlay in shaqadoodii dib loogu diro oo wax lagala qabto oo shirkada Dp World lagala hadlo iyo dhinaceenaba.Gacanta ayaa lagu hayaa samaynta guddigii Boodhka ahayd oo dhawaan la magacaabi doono laakiiin sidaad la socoto shirkada waxa sii wada mar walba hawsha ka qayb ah waa Maareeyihii dekeda oo ah ka hawlaha kala wada,markaa hawshu waa iska sii soconaysaa inta la magacaabayo Boodhka walina xukuumadda Somaliland ayay hoos yimaada oo waxii Maraakiib soo xidhaya oo dhan waxa ku shuqul leh xukuumadda Somaliland. Imaaraadka iyo Somaliland ayay markii hore ahayd heshiisku laakiin boqolka Milyan ee Itoobiyaanka ah ee la doonayo in lala ganacsado ee Dekeduba ku xidhan tahay iyaguna qayb ayay ku leeyihiin waxaana ay leeyihiin19% (Boqolkiiba Sagaal iyo Toban”Siidaas ayuu yidhi wasiir Cumar Shucayb Maxamed.
Xukuumadda Somaliland Ayaan iyadu hore u shaacin in ay dawlada Itoobiya Saami ku leedahay dekeda magaalada Berbera balse saaka ayuu si lama filaan ah ugu dhawaaqay wasiirka ganacsiga Somaliland Cumar Shucayb Maxamed.
Saaka ayaa goobaha lagu qaxweeyo ee la iskugu yimaado ee magaalada Hargeysa ayaa waxa si aada looga hadal hayaa saamiga dawlada Itoobiya laga siiyey dekeda magaalada Berbera taas oo aanay hore u shaacin xukuumaddu,waxaana goor dhaw magaalada Berbera ka dhacaysay munaasibad si rasmi ah dekeda Berbera loogu wareejinayo shirkada Dp World.
Xukuumadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday In Dawlada Itoobiya Saami Ku Leedahay Dekeda Magaalada Berbera Iyo Xadiga Saamiga La Siiyey.
Xukuumadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday In Dawlada Itoobiya Saami Ku Leedahay Dekeda Magaalada Berbera Iyo Xadiga Saamiga La Siiyey. Xukuumada Somaliland ayaa waxay saaka ku dhawaaqday in dekeda magaalada Berbera saami laga siiyey dawlada Itoobiya oo