Erdogan iyo Trump oo Aqalka Cad ku kulmaya
Madaxweyne Trump ayaa maanta Aqalka Cad ku qaabili doona madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayyib Erdogan, xilli ay jirto xiisad ka dhalatay go'aanka Mareykanka uu ku hubeynayo malayshiyaadka kooxda Kurdiyiinta ee YPG oo dagaal kula jira kooxda la baxday Dowladda Islaamka.
Turkiga ayaa kooxda YPG ee kurdiyiinta u arka farac ka mid ah ururka PKK oo gudaha dalka Turkiga looga arko koox argagixiso ah.
Turkiga wuxuu muhiim u yahay dedaalada uu Mareykanku hoggaaminayo ee ka dhanka ah kooxdo la baxday dowladda Islaamka ee dalka Suuriya.
Basle sidoo kale waxaa muhiim ah maleeshiyaadka kooxda kurdiyiinta ee YPG ee ku sii siqaya magaalada Raqa oo ah magaalo ay ku xoogan badan yihiin dagaalameyaasha kooxda Dowladda Islaamka.
Asbuucii la soo dhaafay ayuu madaxweyne Trump shaaciyay in uu hubeynayo malayshiyaadkani kurdiyiinta, tallaabadaasi oo ka careysiisay Turkiga oo dhankiisa soddonkii sano ee la soo dhaafay waday dagaal ka dhan ah kacdoonka kurdiyiinta.
- UK iyo US oo dhaqangaliyay mamnuuciddii laabtoobyada ee duulimadyada
- Xal caqliyeysan oo loo helay xayiraadda kombiyuutarrada ee duullimaadyada US
- Sarkaal "Dawladda Islaamka" ka tisan oo loo haystay in uu dhintay ayaa wali nool
- Mareykanka oo ciidammo u diray Soomaaliya markii ugu horreysay tan iyo 1994
Madaxweyne Erdogan ayaa rajeynaya in kulanka fool ka foolka ah ee maanta dhex mari doono isaga iyo Trump uu wax ka badali doono go'aanka madaxweyne Trump, haddii kalena uu Turkiga ku khasbanaan doono in uu kala doorto waxyaabo badan sida uu madaxweynuhu sheegay.
Mareykanka ayaa saldhig ciidan oo ku yaala dalka Turkiga waxa uu ka qaadaa duulaanka dhanka cirka ah ee ka dhanka ah kooxada Dowladda Islaamka ee Suuriya iyo Ciraaq.
Turkiga ayaa ka digay in uu xaddidi doono isticmaalka saldhiggaasi ee areykanka, haddii Aqalka Cad ee Mareykanka uu wax ka bedeli waayo siyaasaddiisa ku aadan kurdiyiinta YPG.
Erdogan iyo Trump oo Aqalka Cad ku kulmaya
Erdogan iyo Trump oo Aqalka Cad ku kulmaya