Dhirtu Waa Nuxurka Nolosha Qalinkii: – Amaal Gilin Mohamoud

0
Saturday July 12, 2014 - 18:08:59 in by Super Admin
  • Visits: 2764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhirtu Waa Nuxurka Nolosha Qalinkii: – Amaal Gilin Mohamoud

    Waxyaabaha uu ilaahay sida gaarka ah inoogu manaystay ayaa waxa ka mid ah Dhirteena dabiiciga ah, taasi oo nolosha bini aadamka & tan xooluhuba aad ugu tiirsan yihiin,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxyaabaha uu ilaahay sida gaarka ah inoogu manaystay ayaa waxa ka mid ah Dhirteena dabiiciga ah, taasi oo nolosha bini aadamka & tan xooluhuba aad ugu tiirsan yihiin,


 

 Hadaba Waxa marar badan soo noq-noqota in Dhirta si aan caadi ahayn loo gumaado oo aan ilaa hada Xal loo helin haday noqoto dowlada iyo haday noqoto Shicibkaba.


Dhirtu waa qurux dabiici ah oo aynu ku indho doogsano, dhulkana ka ilaalisa xaalufka & nabaad guurka, Bini aadamkamkana ka qabata dabaylaha & duufaanada, isla markaana soo jiidata roobka.

Hadaba shay kasta oo aduunka guudkiisa saarani waxa ay leeyihiin faa’iido & faa’iido daro, balse Dhirtu waa ta qudha ee aan wax faa’iido daroba lahayn haday leedahayna aanay ahayn qaar muuqda.

Munaafacaadka Dhirta ee aynu sida tooska ah ugu tiirsanahay waxa ka mid ah:

Qadhaab ahaan ayaynu u quudanaa haday tahay midhaha ka baxa oo aynu cuno, muud aynu ku oon baxno, & waliba inaga oo jiridooda curdaynka ah cunto ka dhigana.

Hoy, hadh, dugsi & dayrba waa ay inoo tahay Dhirtu maxaa-yeelay hoyga ugu dugsooni waaka Dhirta laga sameeyay, hadhka ugu macaana waaka Dhirta laga helo.

Hoy, hadh, dugsi & dayrba waa ay inoo tahay Dhirtu maxaa-yeelay hoyga ugu dugsooni waaka Dhirta laga sameeyay, hadhka ugu macaana waaka Dhirta laga helo.

Badhkood dhirta cudurada ayaynu isaga dawaynaa oo daawo ahaan ayaynu u isticmaalnaa, Dhirteena dabiiciga ah cudurka lagu daweeyaana uu dawoobaa.

Qaarkale oo Dhirta ka mid ah waxa aynu u isticmaalnaa qalabka dhismaha, agabka guryaha aynu dhigano & waliba maacuunka (weelka) ayaa aynu ka qorannaa.

Noockale oo Dhirta ka mid ah waxa aynu u adeegsanaa oo aynu ka samaysanaa Qalabka farshaxanka, kaasi oo aynu aad ugu faani jirnay aadna u qurux badnaan jiray.

Badhkood Dhirta curdaynka ayaynu ku cuni jirnay Siiba kuwa yar-yar, qaarkoodna sida cambuusha baarkooda & curubta ayaynu ka cunaa.

Xoolaha aynu manaafacaadsano waxa ay daaqaan noocyada dhirta ee kala duwan, midhaha aynu beerano ee aynu sida tooskaa ugu nool-nahayna waxa ay ka baxaan Dhirta.

Inta ugubadana dhirteena dabiiciga ah waxa aynu u adeegsanaa Dhuxul ahaan waana aynu shidanaa amase xaabo ahaan.

Dhankasta oo laga eego waxtarka ay dhirtu inoo leedahay ma’aha mid lagu soo koobi karo afka, mana aha mid tiro lagu soo koobi karo, balse waxa aaan odhan karaa (Dhirtu waa Nuxurka Nolosha).

Walaalayaal waxa muhiim ah In aynu ogaano geedaha laga sameeyo dhuxushu in aaney aheyn kuwo dhakhso u baxa, marka ay soo baxayaan, sidaas daraadeedna aanay marna badali karin geedaha la gooyo ee dhuxusha laga sameeyo.

Hadaba waxa jira suugaano fara-badan oo ay Abwaanaadu ku cabirayaan faa’iidooyinka balaadhan ee ay dhirtu u’ leedahay jiritaanka nolosha, Suugaantaasi waxay isagu jirtaan Gabayo, Heeso, Sheekooyin, Hal-xidhaalayaal, Maqaalo, Maansooyin, Murti & waliba Maah-maahyo.

Guntii & Gaba-Gabadii & waliba Gunaanadkii waxa aan Talo & Tusaale usoo jeedinayaa Dadkeena gumaadaya Dhirta ee dabar jaraya, & Dowlada oo iyaduna maarayn u la’ Xaalufinta Dhirta, waxaanan leeyahay:-

Waa in si gaar ah isha loogu hayo ama la yareeyo tiradda dadka ka ganacsadda dhuxusha iyo xaabadda, Dowladuna ay arrintani xil weyn iskaga saarto.

Waa in Golayaasha kala duwan ee dowlada iyo xeer ilaalinta guudba ay xeer ka soo saaraan dadkan caadaystay dabar goynta dhirta, xeerkaasi oo qabanaya qof kasta oo ka talaabsada sida uu dhigayo xeerku shicibkuna arinkaas ay dowlada gacan wayn ku siiyaan.

Waa in lagu talaabsaddo sidii loo tashiili lahaa dhuxusha iyo xaabadda dadku hadda isticmaalaan laguna dhiiri-gelin lahaa isticmaalka shooladaha ku shaqeeya gaaska oo laga yaabo iney awoodi karaan dadka badani gadashadeeda.

Waa in la’maal-galiyo sidii kaalmo caalami ah loogu raadin lahaa daraasaddo ku saabsan wixii lagu badali lahaa tamar ka duwan dhirta dhuxusha laga sameeyo.

Qof kasta oo hal Geed gooyaa waxa waajib ku ah inuu beero ugu yaraan saddex Geed oo yar-yar maxaa-yeelay haday taasi dhici waydo dhulkeena waxa ku dhacaya nabaadguur & nafaqo daro, inaguna waxa aynu halis u nahay in ay ina haleelaan Aafooyinka dabiiciga ah Sida:- Daadad, Duufaano, Furkaanayaal, & waliba Cudurada ay Dabayluhu keenaan.

Markaa inaga oo ka taxadirayna Aafooyinkaas waa inaynu yaraynaa dabargoynta Dhirta oo Geedkasta oo aynu goyno beernaa Dhirkale oo Badalkooda ah.



Diyaarintii: – Amaal Gilin Moh’oud

Email: maria406@hotmail.com

Tell: 063-4438510