Maanso ku saabsan Dagaalada iyo Gummaadka ka socda QAZA By: Abwan Dahir Suldaan

0
Sunday July 13, 2014 - 08:33:10 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanso ku saabsan Dagaalada iyo Gummaadka ka socda QAZA By: Abwan Dahir Suldaan

    ¤QOOMKII FALASTIIN Dhibka helay ¤Qaziyo Urugada Halkaa Taal ¤Laftayda Qalbigu Is hayn waa ¤Qacbaana Ka siiyay Xoogaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

¤QOOMKII FALASTIIN Dhibka helay ¤Qaziyo Urugada Halkaa Taal ¤Laftayda Qalbigu Is hayn waa ¤Qacbaana Ka siiyay Xoogaa

¤Qisaba Qisa Keentay nimanyahay
¤Ayaamahan Qayla Dhaan Culus
¤ayay Ka Qoreen Abwaanadu
¤QOOMKII FALASTIIN Dhibka helay 
¤Qaziyo Urugada Halkaa Taal
¤Laftayda Qalbigu Is hayn waa
¤Qacbaana Ka siiyay Xoogaa

¤Islaamkii hadii U qaybsamay
¤Hadii Qolo Qolo Saf loo galay
¤Alqaacida Qaar la leexdeen
¤Badh ay Qarxis Ciir si moodeen
¤Badh Ay Qaxiyeen Dagaaladu
¤Badh ay Quwad Raacda waayeen
¤Obaama hadii Badh Uu qabo

¤Inuu Qaza cadawgu weeraro
¤Dhulkii QIblada U Ahaa Beri
¤qomkii Muslimkiyo Rasuulkii(Scw)
¤Dhulkii Qarniyada Fog Taariikh
¤Qisaska Anbiyadu Ku Duugnaa
¤Yuhuudu Inay Ku Qooqaan
¤Qiimaha Masjidkii Lahaan jiray 
¤inay Qolqolkiisa seesteen
¤Qamriga Ku Cabaan Dhexdiisii
¤Gantaalo Ku Qiijiyaan Holac
¤Ka Kiciyaan Qaac Hareeraha
¤Qubuuro inuu Ka dhigo cadaw
¤Dadkiisiii Qaxiyo Oo Dilo
¤Dhalaankii Qoorta uu Jaro
¤Hooyooyin Ka Qaado Ubadkii
¤Qisaas Ku Xukumo Hal doorkii
¤Hadana ay Hiil Ka quusteen
¤Qadhmuun Carabtaa Ugaadha ah
¤Diirkuunbay Qoom wadaagane
¤wax Loo Qabto Daa warkeedee
¤Ilayn Qawl Loo Dhahana Juuq?
¤Ilayn Qashar daa Mar Loo rido?
¤Ilayn Quud Daa Cun tiyo Hoy?
¤Ilayn Quwad Daa Lagaga Baqo
¤Cakuye Qiil Looga Dhigo Eed?
¤Qalbi Jabiyo Oohin Waynaa.....

¤Rabbow Adigaan Ku Qayshaday
¤Islaam Qumanoo Walalo ah
¤Allow Quwad Mida Rabigayow
¤Allow Qoom Aan Is Diidayn
¤Allaw Qaramada Midoobiyo
¤Kuwo U U Quus Gooya Gaalada
¤Na Sii Yaa Qaadir Eebbow...


..

By: Abwn: Dahir Ismail Warsame(Suldan)
Riyad Saudi Arabia,,,,,,,,,