Gacan ku dhiigle Tooray Nin ku Dilay oo Jabuuti u baxsaday iyo

0
Sunday July 13, 2014 - 09:51:08 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gacan ku dhiigle Tooray Nin ku Dilay oo Jabuuti u baxsaday iyo

    Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex xadhig adag ku xukuntay Ninkii Toorayda ku dhuftay Sheekh Maxamed Haybe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex xadhig adag ku xukuntay Ninkii Toorayda ku dhuftay Sheekh Maxamed Haybe

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa shalay sideed sano ku xukuntay ninkii Toorayda ku dhawaaqay Sheekh Maxamed Haybe.

Ninka shalay la xukumay ayaa bishii koowaad ee sanadkan Tooray ku dhuftay sheikh Maxamed Haybe, kaasoo wakhtigaasi ku sugnaa khayriyada Hargeysa.

Dhagaysiga Dacwadan ayaa qaadatay muddo toddoba bilood ah, taasoo soo gabagabaysantay manta.

Xukunka ninka sheekha Tooriyeey ayaa ku soo beegmay kadib markii shalay uu nin kale Dil iyo dhaawac ugu gaystay afar qof oo masaajid ku sugnaa magaaladda Hargeysa.

sidoo kale, waxay Maxkamaddu dusha ka saartay Magta dhaawacii uu sheekha u gaystay oo la xaqi doono. 


 

Dhinaca kale waxa manta magaaladda Lawyacado lagu Tooriyeeyey nin kaasoo isla goobtii naftu kaga baxday.

Gacan ku dhiiglaha Dilka gaystay ayaa u baxsaday dhinaca Jabuuti, halkaas oo lagu soo waramayo in lagu qabtay markii danbe.

Meydka ninka la Dilay ayaa lagu soo waramayaa wali in uu yaalo, halka Ninkii Dilay isna la filayo in Booliiska Somaliland aroorta loo soo gacan galiyo si Meydka ninka loo aaso marka la keeno.

Dilkan ayaan la garanayn waxa sababay, hase yeeshee sida wariyaha Gobolka Selal ku soo waramayaa in uu galabta ka dhacay magaaladda Lawyacado.



Afkashacabka.com
Hargeysa / Office
Contact@afkashacabka.com