Dad Sheeganaya Lahaanshaha Dhulka dhawaan Loo dhagax dhigay Ciidanka dabdamiska Hargeysa Oo Baaq u Diray Madaxwayna Jamhuuriyada Somaliland

0
Sunday July 13, 2014 - 15:13:49 in by Hargeysa Office
  • Visits: 959
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Sheeganaya Lahaanshaha Dhulka dhawaan Loo dhagax dhigay Ciidanka dabdamiska Hargeysa Oo Baaq u Diray Madaxwayna Jamhuuriyada Somaliland

    Mudane Madaxweyne Waxaanu kuu sheegayna in uu si badheedha Maayirka Caasimada Hargeysa noo dhacayo ,Waxaanu Madaxweyne kuu cadaynaynaa in dhulkani ay noo aqoonsanaayeen in aanu leenahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudane Madaxweyne Waxaanu kuu sheegayna in uu si badheedha Maayirka Caasimada Hargeysa noo dhacayo ,Waxaanu Madaxweyne kuu cadaynaynaa in dhulkani ay noo aqoonsanaayeen in aanu leenahay

 

Ujeedo:Baaq Madaxweyne

 

Ku: Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Silaanyo)

 

Og: Golayaasha Qaranka Somaliland

 

Og: Badhasaabka Gobolka Maroodi -jeex

 

Og: Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland

 

Anigoo magacaygu yahay Aaamina Cali Muuse isla markaana ah dadka iska leh dhulka ay dhawaan dhagax dhigeeen maayirka Caasimada Hargeysa,iyo Wasiirka Arimaha Gudaha,Wasiirka Maaliyada Somaliland,

 

Oo uu maayirka Caasimada Hargeysa sheegey in uu dhulkani yahay Dhul Dawladeed oo ah eeriya Shacaba taasi oo si qarsoodi ah looga dhagax dhigey Xarunta Dab dabdamisyada Caasimada

 

Dhulkani ayaa maayirku uu madaxweynaha uu ugu sheegay in dhulkani ayahay Dhul ayna cidi lahayn,ka dibna uu yidhi Madaxweynaha ayaa bixiyey Dhulkani,marna uu Saxaafada u sheegay in uu dhulkani yahay dhulku dad Maxkamada iskula jira,taasi oo cadayn u ah sida hadalkiisa ka muuqatay in dad leeyahay,

 

Waxaanu halkan ka sheegaynaa in aanu hore cagafyo uu hore uu goobta keenay aanu ka joojinay,oo aanu la kulanay Gudiga Nabadgalyada Caasimada oo aanu ku nidhi naga joojiya Cagafyadani,Gudiguna Arintaasi naga aqbaleen,Maayirka Caasimadana ay balan nooga soo qaadeen anaguna aanu hordhignay lahaan shihii dhulkaasi.(Mulkiyad)taasi oo uu si badheedha iskaga indha tirey Goaamadii Maxkamada sare noogu dhacay iyo lahaanshihii Faylasha dhulkaasi,

 

 

 

Maayirku sidoo kale waxaa uu diiday in uu dhagaysto Xildhibaano badan oo xogogaal u ahaa dhulkayaga

 

Hadaba Waxaanu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud Silaanyo kuu sheegaynaa in uu dhulkani yahay dhul aanu iska leenahay kana dhaxaley Aabahayo Cali Muuse Cilmi,oo aanu haysano dhulkaasi lahaan shiyihii dhulkaasi oo dhan oo cashuuran.

 

Mudane Madaxweyne Waxaanu kuu sheegayna in uu si badheedha Maayirka Caasimada Hargeysa noo dhacayo ,Waxaanu Madaxweyne kuu cadaynaynaa in dhulkani ay noo aqoonsanaayeen in aanu leenahay Dowladihii kala Dambeeyey ee Somaliland Cadayntiina aanu hayno.

 

Mudane Madaxweyne Waxaanu si sharafleh kaaga Codsanaynaa in aad arinta dhulkani hoos u eegto si deg-degana aad wax uga qabatid Awooda Maayirku dhulkayaga ku dhacayo.

 

Awood sheegashada Maayirka Caasimada Hargeysa ayaa ah mid oo Bulshada Somaliland Xasuusinaysa Dowladii kalidii taliska ahayd ee Faqashtii.



Afkashacabka.com
Hargeysa / Office
Contact@afkashacabka.com