Baadhitaankaankii FBI-da Mareykanku Ku Wadey Madaxweyne Trump Oo Lugaha La Soo Galay Wiil Uu Sodog U Yahay Trump Iyo Danbiga Lagu Helay

0
Friday May 26, 2017 - 13:48:05 in by Super Admin
  • Visits: 456
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baadhitaankaankii FBI-da Mareykanku Ku Wadey Madaxweyne Trump Oo Lugaha La Soo Galay Wiil Uu Sodog U Yahay Trump Iyo Danbiga Lagu Helay

    Baadhitaanka ay waddo hay'adda dambi baadhista Maraykanka ee FBI ee ku aadan Ruushka ayaa cagaha la galay Jared Kushner oo ah wiil uu sodog u yahay madaxweyne Donald Trump isla markaasna lataliye sare ka ah Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baadhitaanka ay waddo hay'adda dambi baadhista Maraykanka ee FBI ee ku aadan Ruushka ayaa cagaha la galay Jared Kushner oo ah wiil uu sodog u yahay madaxweyne Donald Trump isla markaasna lataliye sare ka ah Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka, sida ay ku warramayso warbaahinta Maraykanku.

Image may contain: 2 people, suit and indoor

 

 


Wararku waxay sheegayaan in baadheyaashu ay rumaysan yihiin in uu hayo macluumaad la xidhiidha baadhitaanka ay wadaan, balse aan looga shakisnayn in uu dambi galay.

Hay'adda dambi baadhista ee FBI ayaa baadhaysa in Ruushku uu faragalin ku sameeyay doorashadii Maraykanka ee sanadkii hore ee 2016kii iyo wax xidhiidh ah in uu dhexmaray iyaga iyo ol'olihii Trump, madaxweynuhuse wuu diiday in uu wax xidhiidh ah la yeeshay Ruushka.


Qareenka Kushner ayaa sheegay in Jared uu gacan ka gaysan doono baadhitaan kaste oo la wado.


Madaxweyne Trump ayaa xaaladdan ku tilmaamay in ay tahay "quraafaadkii ugu waynaa ee abid wajahda siyaasi marka laga hadlayo taariikhda Maraykanka.


Laamaha sirdoonka ee dalka Maraykanka ayaa rumaysan in Ruushku uu isku dayay in uu saamayn ku yeesho doorashada Maraykanka uuna gacan siiyo xisbiga Jamhuurig oo ka guulaystay Hillary Clinton oo u sharaxnayd xisbiga dimuqraadiga ah.


Saraakiil Maraykan ah oo aan magacooda la sheegin ayaa NBC News u sheegay in arrintan aysan ka dhignay in baadheyaashu ay dambi uga shakiyeen Kushner oo 36 jir ah ama ay doonayaan in ay dacwad ku soo oogaan.