Madaxweyne Hal an tebaya jira WQ: Liban Ismail Abdilahi

0
Sunday July 13, 2014 - 18:11:15 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Hal an tebaya jira WQ: Liban Ismail Abdilahi

    waa bil ramadaan oo ay waajib tahay in camal kasta cibaadad laga horaysiiyo waxase aan qalinka u qaatay arin iila muuqatay inaan iftiimiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waa bil ramadaan oo ay waajib tahay in camal kasta cibaadad laga horaysiiyo waxase aan qalinka u qaatay arin iila muuqatay inaan iftiimiyo.


Sideedaba milgaha qaran iyo kan bulsho wuxuu ku jiraa marka wixii quumda loo tilmaamo turxaan la,aan waana sida diinteena iyo dhaqankeenuba ina farayso, halka ay tahay in la isku booriyo layskuna bogaadiyo wanaaga la qabto, hadaba anigoo taas ka duulaya waxaan jeclaystay inaan tilmaamo dhawr qodob oo aan tabayo isla markaana waayadan u dambeeyay guuxooga iyo xamxamtoodu taagnaydiyadoo ay jiri karto in xukuumadu ay ku hawlan tahay wax ka qabashadooda.

Hadaan u soo daadago dulucda maqaalkan kooban

·Qodobka hawada iyo wada hadalada sii soconaya ee uu iclaamiyay wasiirka arimaha dibadu .

 

Madaxweyne waxa jirta in aynu wada hadal la furnay dawlada taagta daran ee xamar kaas oo in mudo ah soo jiray wareegyada wada hadaladuna ay dhaceen dhawr goor oo is xigta taas oo ay ka soo baxeen qodobo dhawr ah oo uu ugu weynaaqodobka wada maamulida hawada iyo in xarunta laga dhigo hargeisa waxa madaxweyne aad ka war qabtaa in uu gebi ahaanba qodobkan iyo qodobadii kale aanu fulin oo ilaa imika xaaladoodu laalan tahay , waxa kale oo aad madaxweyne ogtahay in ay heshiisyadaasi ka fuli waayeen geesta kale.

Hadaba su,aasha is waydiinta leh ee aan tabayaa waxay tahay madaxweyne mar hadii wixii hore ee lagu heshiiyay ay sidoodii u fuli waayeen maxay tahay sababta ay u sii socon karaan wada hadaladu?

 

Madaxweyne waxaynu ognahay mar kasto oo dawlado ama shakhsiyo wax isku hayaa ay wada hadlayaan inaanay ka maarmin cid ka garsoorta oo dhexdhaxaadisa isla markaana wxiii lagu heshiiya dabagala fulintooda, waxaanan ka war qabnaa in wajigii ugu horeeyay ee wada hadalku uu ka soo bilaabay wadanka ingiriiska oo ah wadamada adduunka taladiisa wax laga waydiiyo balse intii dambe aynu ula wareegnay wadanka turkiga oo wada shaqayn dhaw la leh dawlada xamar.

Hadaba madaxweyne waxa is waydiin leh ama su,aal leh.

 

wadanka turkiga ee fididiyay gogasha wada hadalku ma yahay wadan ilaalinaya wixii lagu heshiiyay hirgalintooda?

 

Madaxweyne jawaabtu waa xagaaga madaama aad tahay masuulkii qarankan ugu sareeyay ee ay bulshadu u doorteen hagida iyo jihaynta arimaha qarankan, maadaama aad tahay ruug-cadaa siyaasadeed oo in badan wax ka og xidhiidhada adduunka iyo kan gobolkaba .

 

·Siyaasada arimaha dibada iyo xidhiidha wadamada jaarka maxaa iska badalay?

 

Madaxweyne waxa marag ma doon ah in intii aad talada dalka gacanta ku haysay oo haatan afar sano iyo waxoogaa ku siman in waxa badan is badaleen haday noqoto xaga dhaqaale iyo xag arimo dibadeeda taa badalkeeda waxa jira wax badan oo qabyo ah iyo waxa kale oo hoos u dhacay oo sunaha nololeeda ayaaba ah in aanay wax mar qudha is wada badalin, hadii aan u soo noqdo dulucda oo an soo qaato carqaladaha bilahan u dambeeyay taagan ee la xidhiidha arimaha dibada iyo wadamada jaarka .

Madaxweyne waxa dhawaan ciidanka qaranku gaadheen taleex iyo deegaanada bariga fog waxaanay ahayd talaabo xaga saxa loo qaaday isla markaana ahayd wax aad loogu diirsado waayo qaranku ma dhamays tirna ilaa uu xuduudihiisa sugo deegankiisana uu gacanta kuwada dhigo bulshadiisana uu baahidiisa dhamays tiro.

Hadaba madaxweyne waxa arinkaa ka biyo diiday wadamadii aynu saaxiibka ahayn ee beesha caalamka oo bayaan ay ku saxeexnaayeen dhawr dawladood oo waaweyn ayaa la soo saaray is waydiintuse waxay tahay madaxweyne ma waxa hoos u dhacay cilaaqaadkaan la lahayn dawladahaasmise wax qarsoon ayaa jira?

Geesta kale madaxweyne waxa jirta in wadanka jabuuti la xidhay xadkii iyagoo ku doodaya arimo abni waxa taas baal taal in muwaadiniin reer Somaliland ah loo dhiibay jabuuti arinkaas oo ah gef iyo meel kaga dhaca arintii muwaadinimo iyo tii dastuurkaba sida aad madaxweyne ka war qabto hadii muwaadin looga shakiyo in uu wadan kale wax lidi ku ah ku kacay waxa lagu xidhaa oo lagu baadhaa waa wadankiisa iyadoo ay dhacdo in saraakiil sirdoon oo wadanka kale intay uyimaadaan ay wax weydiin karaan hadii loo baahdo balse sinaba uma dhacdo in muwaadin wadankiisa inta laga qaado wadan kale loo dhiibo .

Waxa taas madaxweyne baal taal in taliyaha ciidanka iyo wasiirka arimaha dibadu dhawr jeer looga yeedhay jabuuti hadaba maxay tahay sababta in taa lee gee laysugu darayo in muwaadiniin loo dhiibo iyadoo xadkeedii xadkeedii xidhay isla hadana masuuliyiinta qaranka kolba loogu yeedhayo?

Madaxweyne bal dib u milicso wakhtigii geeridii marxuum cigaal ( A.H.X) xaalka jabuuti iyo Somaliland siduu ahaa waxaanad hoos u eegtaa madaxweyne marxalada itoobiya ee imika iyo talaabooyinka wasaaradda arimaha dibadu qaaday.

Wa bilaahi tawfiiq

Qalinkii: Liban Ismail Abdilahi

EMAIL: Liibaanhanad79@hotmail.com