"In Xuduudaha Somaliland la leedahay Jabuuti iyo Itoobiya la xidhaa waa guul daro weyn, waxaanad mooda in..." Faysal ali warabe

0
Monday July 14, 2014 - 17:52:34 in by Hargeysa Office
  • Visits: 918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "In Xuduudaha Somaliland la leedahay Jabuuti iyo Itoobiya la xidhaa waa guul daro weyn, waxaanad mooda in..." Faysal ali warabe

    Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxwaynaha Ugu Baaqay In Uu Mideeyo Shacabka somaliland isago sidoo kale si kulul u dhaliilay Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxwaynaha Ugu Baaqay In Uu Mideeyo Shacabka somaliland isago sidoo kale si kulul u dhaliilay Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa.


Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe mar uu Xalay Khadka Telefoonka ugu waramaayey Wargeyka Geeska Afrika isagoo jooga dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in xidhiidhkii ay Somaliland la lahayd caalamka uu hoos u dhac ka muuqdo.


Faysa Cali Waraabe ayaa sidoo kale ka hadlaly Safarka Madaxweynaha ee la filayo inuu Maanta dalka kaga ambabaxo, "In Xuduudaha Somaliland la leedahay Jabuuti iyo Itoobiya la xidhaa waa guul daro weyn, waxaanad mooda in guddaha Ammaanka dalkeena lagu kalsoonayn,waxa fiican in kalsoonideeni soo ceshano Dalalka jaarka inala ah iyo Adduunkaba, labaduba wey inaga lumeen, xagii Arrimaha dibada iyo xagii Amaankaba waxaad mooda inay inaga soo xidhmeen, oo aynu ka soo ururnay, waxa loo baahan yahay in dib la isku habeeyo, oo laga baxaa buuqa iyo fiirsashada, waa in Madaxweynuhu dadka mideeya, oo dadka meel u wada jiheeya, hawl badana wey inoo taala, baylaha badan ayaana dhacday intii Xukuumaddani jirtay,oo Wadamada ina taageeri jiray ee aadka inoogu heelanaa dib u gurasho ayey bilaabeen, dib ayaa loo gurtay, talo ayaa loo baahan yahay aniguna waan iman doonaa, warar badana waan hayaa”.

Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi "Wadamada Ingiriiska iyo Mareykanka waxa dhegahooda ku batay beenta ku saabsan amaan daro in dalkeena ka jirto, marka in beenta fakatay laga daba tago weeye, oo inagu Amaankeena ilaashano, Booliskeena la adkeeyo,oo Xuduudeena ilaashanaa, oo Magaalooyinka Ceerigabo ilaa Laascanood la dhisaa, oo Maamul adag loo dhisaa, oo Wadamada Caalamka la tusaa inaynu wax qabsanay, laakiin haddii dhexdeena dagaal hoose ku soo ururo oo dawladdu dadka mideeyn weydo oo ay hore u socon weydo waxa ay ila tahay in himiladeena iyo ujeeddeedanu gabaabisi noqonto”.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey Siyaasada Arrimaha Dibada Somaliland waxa uu yidhi "Siyaasadii Arrimaha Dibada Somaliland ma jirto, Adduunkii umaynu tagin oo Waddamo aynu u tagnay ma jiraan, Wakiilo hagaagsan oo aynu ku leenahay Siyaasada Arrimaha Dibada ma jiraan, Wasaaradda Arrima Dibadeedna ma jirto, wax alaale wax culus ah oo la saarayna ma jirto, oo waxyaabihii Arrimaha Dibada ee Dawladdii UDUB ee Daahir Rayaale gaadhay waa la baabiyey, Adduunkii weynu ka go’nay”.



Xigasho Geeska