Wafti Ka Socda Dawladda Qadar Oo Ka Degay Magaalada Muqdisho Iyo Kulamo Ay La Yeesheen Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya Waftigan Ayaa Farmaajo Uga Mahadceliyay Go'aanka Uu Ka Qaaday Xiisada Ka Taagan Dalalka Khaliijka

0
Monday June 12, 2017 - 11:06:14 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafti Ka Socda Dawladda Qadar Oo Ka Degay Magaalada Muqdisho Iyo Kulamo Ay La Yeesheen Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya Waftigan Ayaa Farmaajo Uga Mahadceliyay Go'aanka Uu Ka Qaaday Xiisada Ka Taagan Dalalka Khaliijka

    Wafti Ka Socda Dawladda Qadar Oo Ka Degay Magaalada Muqdisho Iyo Kulamo Ay La Yeesheen Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya Waftigan Ayaa Farmaajo Uga Mahadceliyay Go'aanka Uu Ka Qaaday Xiisada Ka Taagan Dalalka Khaliijka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafti Ka Socda Dawladda Qadar Oo Ka Degay Magaalada Muqdisho Iyo Kulamo Ay La Yeesheen Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya Waftigan Ayaa Farmaajo Uga Mahadceliyay Go'aanka Uu Ka Qaaday Xiisada Ka Taagan Dalalka Khaliijka

Wafti uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar Sultan bin Saad Al-Muraikhi ayaa socdaal lama filaan ah ku tagay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, isagoo kulamo la yeeshay madaxda dawladda Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Qatar ayaa sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo, si uu ugu mahad celiyo go’aanka ay qaadatay dawladda Soomaaliya ee ah inay dhex-dhexaad ka noqoto xiisada siyaasadeed ee dawladdaha Khaliijka.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in wafti ka socda dawladda Sucuudigu uu ku waajahan yahay dalka Soomaaliya, si uu ugu qanciyo inay Soomaaliya ka mid noqoto waddamada xidhiidhka diblomaasiyadeed u jaray dalka Qadar.

Soomaaliya ayaa haatan ku dhex dhacday xaalada siyaasadeed ee Khaliijka, iyadoo ay heysato labo daran mid dooro, Qatar ayaa saaxib dhow la ah shaqsiyaad ku dhow Madaxweyne Farmaajo, halka Sacuudigana uu ku adkeysanayo haddii ay Soomaaliya xidhiidhka u jarin in aanu siin doonin dhaqaalihii uu hore u balan qaaday.

Dawladda Qatar ayaa la kulmeysa cadaadis weyn, tan iyo markii xulafada uu Sacuudiga hoggaamiyo ay xidhiidhka u jareen, isla markaana la geliyay go’doomin dhanka ganacsiga, lagana xidhay hawada, badda iyo dhulka.

Qatar ayaa hadda isticmaaleysa Hawada Soomaaliya kaddib markii waddamada Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay hawada ka xidheen.