Hoggaamiye Xirsi Oo Ka Hadlay Wakhtiga Doorashada Ee Madaxwayne Siilaanyo Qalinka Ku Duugay Iyo Xilka Gudomiye Ciro Iska Casili Doono Gollaha Wakiilada.

0
Monday June 12, 2017 - 13:28:14 in by Burco Office
  • Visits: 374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiye Xirsi Oo Ka Hadlay Wakhtiga Doorashada Ee Madaxwayne Siilaanyo Qalinka Ku Duugay Iyo Xilka Gudomiye Ciro Iska Casili Doono Gollaha Wakiilada.

    Hoggaamiye Xirsi Oo Ka Hadlay Wakhtiga Doorashada Ee Madaxwayne Siilaanyo Qalinka Ku Duugay Iyo Xilka Gudomiye Ciro Iska Casili Doono Gollaha Wakiilada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiye Xirsi Oo Ka Hadlay Wakhtiga Doorashada Ee Madaxwayne Siilaanyo Qalinka Ku Duugay Iyo Xilka Gudomiye Ciro Iska Casili Doono Gollaha Wakiilada.

Hoggaamiye Xirsi Oo Ka Hadlay Wakhtiga Doorashada Ee Madaxwayne Siilaanyo Qalinka Ku Duugay Iyo Xilka Gudomiye Ciro Iska Casili Doono Gollaha Wakiilada.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Mudane Xirsi

Cali Xaaji Xasan ayaa madaxwaynaha Somaliland ku bogaadiyey cayimaadda maalinta Doorashada isla markaana sheegay inay xisbi ahaan diyaar u yihiin doorashada isaga oo xusay in doorashada oo xiligeeda ku qabsoontaa ay danta Somaliland ku jirto.



Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xalay waraysi gaar ah siiyey wargeyska Himilo ayaa ugu horeyn ka hadlay aragtida uu xisbigiisu ka qabo cayimaadda maalinta doorashada ee madaxwayne Siilaanyo shalay qalinka ku duugay waxaana uu yidhi


"Cayimaadda maalinta doorashada waan ku hambalyeynayaa madaxwaynaha JSL,waanan ku faraxsanahay ,waxaan u arkaa inay danta Somaliland ku jirto in aanay doorashadu wakhtigeeda ka dib dhacin,runtiina dib u dhacyadii hore may ahayn kuwo inoo haboonaa,markaa waxaan leeyahay culayska hala saaro sidii wakhtigeeda loogu qaban lahaa,xisbi ahaana diyaar ayaanu u nahay oo waxba nagama dhul yaalaan”.


 

 

Hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo uu intaasi ku daray "Tartanka Doorashada madaxtooyada ee loo diyaar garoobayaana Illaahay waxaan ka rajaynaynaa inuu ka dhigo guul Somaliland usoo hoyota iyo isku duubnideeda”.


Xirsi oo ka jawaabay sida uu u arko in xukuumaddu ay ku wareejisay guddiga Doorashooyinka Qaranka wajigii koowaad ee lacagta loogu talo galay in doorashada lagu qabto ayaa waxa uu yidhi


"Runtii mar hadii madaxwaynuhu cayimay maalinta doorashada,lacagtiina qaybtii u horeysay la bixiyey dareen fiican Ayaan ka qabnaa,waxaana ku dhiirigalinaynaa in inta ka hadhayna la dhamaystiro”.


Hogaamiye Xirsi waxa kale oo uu wargeyska Himilo waydiiyey rajada uu ka qabo hawlaha farsamo ee doorashada in lagu dhamaystiri karo wakhtiga haatan ka hadhay ayaa waxa uu ku jawaabay


"Waxaan aaminsanahay in doorashada la qaban karo oo doorasho xor iyo xalaal ah la qaban karo iyo in ay Somaliland muhiim u tahay in doorashada wakhtigeeda lagu qabto”


Dhinaca kale hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ka jawaabay su’aal wargeyska Himilo ka waydiiyey madaama oo la cayimay maalinta doorashada dhacayso xiliga uu u malaynayo in gudoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi "Cirro” ka dagayo kursiga golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa uu kaga jawaabay


"Doorashada ayaanu u diyaar garoobaynay,Cabdiraxmaanna maalintii u danbaysay wuu ka hadlay inuu xiligaas ka dagi doono,wakhtigaasina Baarlamaanka ayay khuseysaa oo anigu kama mid ahi,laakiin waxaan rajaynayaa in wakhti aan fogayn noqoto oo ay si wanaagsan u dhamaato”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan.


Source :- HIMILO