Isra'iil oo aqbashay heshiiska xabad joojinta ah ee ay masar ku baaqday iyo milatariga xamaas oo dhinaciisa ku gacansaydhay arintaasi

0
Tuesday July 15, 2014 - 14:00:32 in by Hargeysa Office
  • Visits: 930
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isra'iil oo aqbashay heshiiska xabad joojinta ah ee ay masar ku baaqday iyo milatariga xamaas oo dhinaciisa ku gacansaydhay arintaasi

    Dowlada Isra'iil ayaa aqbashay heshiis xabadjoojin ah oo ay soo bandhigtay dowlada wadanka masar,balse garabka milatariga ee xamaas ayaa arintaasi ku gacan saydhay Golaha wasiirada amaanka ee Isra'iil ayaa kulan ay yeesheen waxay ku she

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Isra'iil ayaa aqbashay heshiis xabadjoojin ah oo ay soo bandhigtay dowlada wadanka masar,balse garabka milatariga ee xamaas ayaa arintaasi ku gacan saydhay Golaha wasiirada amaanka ee Isra'iil ayaa kulan ay yeesheen waxay ku sheegeen inay oggolaadeen heshiiska xabadjoojinta,balse waxay ka digeen inay sii wadi doonaan weerarrada haddii gantaallo laga soo riddo dhanka Qaza,

Milatariga Xamaas ayaa sheegay in aanay aqbali doonin xabadjoojintaasi ilaa inta Isra'iil ay ka sii daynayso maxaabiista reer Falastiin, ee ay qab qabatay islamarkaana ay xayiraadda ka qaadayso marinka Qaza .

Qorshahan xabad joojinta ah ayaa waxaa ka mid ah in lasoo afjaro dagaalka iyo qalalaasaha mudada todobaadka ah socday,iyadoo xabad joojinta la doonayo iany dhaqan gasho manta oo salaasa ah.

Wasiirka arrimaha dibada ee masar samex Shukri ayaa ku sheegay codsiga xabadjoojinta kulan degdeg ah oo ay yeelanayaan ururka jaamacadda carabta kaas oo ka dhacaya magalada Qaahira.

Masar ayaa isku deyeysa inay dib boodhka uga jafto doorkeedii hore ee ahaa dhex dhexaadinta Isra’iil iyo xamas oo ay hore ugu eedaysay inay la jirto dhinac.

Ra'iisalwasaaraha Isra'iil Benyamin Netanyahu

Waxaa lagu tilmaamaayaa inay qorshe muhiim ah tahay xabad joojinta oo daba socotay kaddib wadahadallo qaatay 48 saac oo ka dhacay magaalada Qaahira.

Labada dhinac (Isra'iil iyo Xamaas) ayaa la filaayaa inay la kulmaan xubno ka socdo dalka Masar, si looga hadlo heshiis xilli dheer ah oo la isugu soo dhaweynaayo kala fogaanta hadda u dhexeysa.

Duqeymaha Isra'iil ay ku hayso isla markaana ay la beegsanayso Marinka Qaza ayaa waxa ku dhintay ku dhawaad dad tiradoodu gaadhayso 200 oo qof oo rid ah isla mar ahaantaana aan waxba galab san iyadoo la beeg sanaysay gantaalo iyo weeraro dhinaca cirka

Contact@afkashacabka.com