Gudida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland oo kulan la yeeshay tvyada madaxa banaan ee Dalka

0
Tuesday July 15, 2014 - 14:30:22 in by Hargeysa Office
  • Visits: 970
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland oo kulan la yeeshay tvyada madaxa banaan ee Dalka

    Gudida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland ayaa manta kulan gaar ah la yeeshay warbaahinta madaxa banana gaar ahaana tvyada madaxa banan ee dalka laga lee yahay oo ka koobnaa afar tv ,waxaana kulan kan ay u jeedadiisu ahayd sidii ay tvyada mada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland ayaa manta kulan gaar ah la yeeshay warbaahinta madaxa banana gaar ahaana tvyada madaxa banan ee dalka laga lee yahay oo ka koobnaa afar tv ,waxaana kulan kan ay u jeedadiisu ahayd sidii ay tvyada madaxa banaani aanay u baahinin wararka qabyaalada ah ee ku salaysan reeraha iyo sidii ay tvyadu uga qayb qaadan

lahaayeen aqoonsi raadiska dalka iyo tabinta waxkasta oo qarankani uu ku horumaraayo isla markaana layskaga ilaalin lahaa wixii dhaawacaya

 

Xildhibaanada gudida joogtada ah ee aqalka golaha guurtida Somaliland oo halkaasi wakiilada ka socday tvyada kulankan ka qayb galayey hadal uga soo jeediyey ayaa waxay sheegeen inay kulankan iskugu yeedheen uu salka ku hayo sidii ay televitionada dalku uga qayb qaadan lahaayeen horumarka dalka isla markaana ay iskaga ilaalin lahaayeen tabinta wararka qabyaalada ah ee salka ku haya reeraha waxaanay soo jeediyeen xildhibaanadani inay warbaahintu ay iska ilaaliyaan wararka qabyaalada ah oo qarankan u horseedi kara burbur iyo sumcad darro,

Sidoo kale wakiilada tvyada manta kulan kan ka qaatay gudida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland oo dhinacooda halkaasi hadalo ka soo jeediyey waxay sheegeen inay arintaasi soo dhawwaynayaan isla markaana ay diyaar u yihiin tabinta wax kasta oo qarankan horumarkiisa ah isla markaana ay is ka dhaafaan tabinta wararka qabyaalada ah ee reeraha ku salaysan waxayna hoosta ka xariiqeen in tvyada ay wakiilada ka yihiin ay tabiyaan wax yaabaha bulshada faa,idada u ah sida madadaalada wararka aan isku dhaca keenayn barnaamijyada waxbarashada,kuwa diiniga iyo wax yaabaha la mid ka ah

Kulankaasi ayaa waxa layskula qaatay isla markaana layskula afgartay in la baahiyo wixii dalka iyo dadka u dan ah

Tvyada kulan kan ka qayb galay oo ka koobnaa 4qof ayaa kala ah

Bulsho tv

Slntv

Hctv

Slsc tv

Contact@afkashacabka.com