Madaxweyne obama oo Waraaqaha Aqoonsiga Safiirnimo ka Gudoomay Safiirka Somaliya u Fadhiisan Doona Wadanka Maraykanka

0
Tuesday July 15, 2014 - 15:06:52 in by Hargeysa Office
  • Visits: 786
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne obama oo Waraaqaha Aqoonsiga Safiirnimo ka Gudoomay Safiirka Somaliya u Fadhiisan Doona Wadanka Maraykanka

    Madaxweynaha Dalka maraykanka barack obama ayaa malintii shalay oo isniin ku beegnayd waxa uu qaabilay safiirka cusub ee somaliya u fadhiisan doona wadanka maraykanka cumar c/rashiid cali sharmaake waxaana uu ka gudomay waraaqihii aqoonsiga ee sa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dalka maraykanka barack obama ayaa malintii shalay oo isniin ku beegnayd waxa uu qaabilay safiirka cusub ee somaliya u fadhiisan doona wadanka maraykanka cumar c/rashiid cali sharmaake waxaana uu ka gudomay waraaqihii aqoonsiga ee safiirnimo iyadoo waraaqahaasi lagaga gudoomay munaasibad balaadhan oo ka dhacday aqalka cad ee maraykanka Madaxweynaha maraykanka barrack obama oo halkaasi hadal ka soo jeediyey waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay safiirka cusub ee somaliya u fadhiisan doona wadanka maraykanka waxana uu sheegay

inuu soo dhawaynaayo talaabadaa ay dawlada somaliya qaaday

Sidoo kale safiirka cusub ee dawlada somaliya u soo magacawday inuu u fadhiisto dalka maraykanka cumar c/rashiid cali sharmaarke oo halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay inay tani muujinayso xidhidhka wanaag san ee ka dhaxeeya somaliya iyo maraykanka isaga oo sheegay in talaabada ugu horeeya ee uu qaadi doona ay noqon doonto sidii uu u furi lahaa safarada somaliya ee maraykanka hadaladiisiina waxay u dhignaayeen sidan "Hawsha ugu horaysa ee aan qaban doono waa sidii aan u furi lahaa xafiiskii aan ku shaqayn lahayn una qori lahayn shaqaalihii ka shaqayn lahaa safaradda,markaas ka dib ayaan ka hadli doonaa sababihii keenay in la iibiyo dhismihii safarada somaliya ee aan maraykanka ku lahayn”

 

Cumar c/rashiid cali sharmaake ayaa waxa uu ku hawl gali doonaa isla markaana uu shaqadiisa safiirnimo ku bilaabi doonaa xafiis kiro ah ka dib markii mudo 20 sano ka hor la iibiyey dhismihii ay lahayd safaradii ay somaliya maraykanka ku lahayd waana markii ugu horaysay ee dawlada maraykanku ay aqbasho waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ee somaliya u soo magacawdo dalka maraykanka mudo 23 sanadood ah


Contact@afkashacabka.com