Magaalada Muqdisho Oo Marti Gelisay Qaraxyo Lagu Hoobtay Intii Lagu Gudo Jiray Bisha Barakaysan Ee Ramadaan+Goobta Uu Ka Dhacay

0
Thursday June 22, 2017 - 16:09:50 in by Burco Office
  • Visits: 548
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Muqdisho Oo Marti Gelisay Qaraxyo Lagu Hoobtay Intii Lagu Gudo Jiray Bisha Barakaysan Ee Ramadaan+Goobta Uu Ka Dhacay

    Magaalada Muqdisho Oo Marti Gelisay Qaraxyo Lagu Hoobtay Intii Lagu Gudo Jiray Bisha Barakaysan Ee Ramadaan+Goobta Uu Ka Dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho Oo Marti Gelisay Qaraxyo Lagu Hoobtay Intii Lagu Gudo Jiray Bisha Barakaysan Ee Ramadaan+Goobta Uu Ka Dhacay Qarax aad u xoogan ayaa waxaa uu goor dhaweyd ka dhacay magaalada Moqdishogaar ahaan Isgooska Dabka ee Laamiga Maka Al Mukarama gaar ahaan saldhiga booliiska ee Degmada Waabari.


Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay saldhiga booliiska Degmada Waabari, waxaana uu qaraxaasi ka dhashey gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey

Daryanka qaraxan ayaa waxaa uu ahaa mid laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, walina lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxn.


 

 

 

Waxaana goobata uu qaraxu ka dhacay waxaa xidhay ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugida dowlada Soomaaliya, waxaa sidoo kale goobta gaadhay gaadiidka gurmadka deg dega kuwaa oo goobta ka qaaday dadka ay waxyeelada kasoo gaadhtay qaraxa