Deg Deg;Qarax Xooggan Oo Goor Dhawayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

0
Thursday June 22, 2017 - 21:18:19 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg;Qarax Xooggan Oo Goor Dhawayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

    Muqdisho(AFKA);Qarax xooggan oo ahaa gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow lagu weeraray Saldhiga Booliska degmada Waabari oo ku yaalla Wadada Maka Al Mukarama.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);Qarax xooggan oo ahaa gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow lagu weeraray Saldhiga Booliska degmada Waabari oo ku yaalla Wadada Maka Al Mukarama.

Warar hor-dhac oo soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah, iyadoo qiiq iyo uuro cirka isku shareeray.

Dad ka ag dhowaa Saldhiga ayaa sheegaya in gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu waday qof naftii hure ah uu ku dhiftay afaafka hore ee saldhiga oo ku yaalla nawaaxiga Isgosyka Dabka.

Waxaa la soo sheegayaa in qaraxa uu geystay khasaare kala duwan, inkastoo ay xilli hore tahay, xaaladuna tahay mid cakiran ayaa si rasmi ah loo ogeyn tirada dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxa.

Qaraxa ayaa waxyeelo gaadhsiiyay gawaadhi waddada marayay, iyadoo markii qaraxa uu dhacay ay waddada xidhantay.

Qaraxan ayaa ah kii labaad oo labo maalin gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaa uu qaraxan ku soo beegmayaa, iyadoo ciidamada ammaanka ay xidheen waddooyinka xaafadaha mara ee loo yaqaano jid cadayaasha.