Xamaas oo ku gacan saydhay baaqii xabad joojinta iyo isra'iil oo duqaymihii Qaza dib u biliwday

0
Tuesday July 15, 2014 - 19:12:21 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xamaas oo ku gacan saydhay baaqii xabad joojinta iyo isra'iil oo duqaymihii Qaza dib u biliwday

    Isra'iil ayaa dib u billawday duqeymana ay la beeg sanayso marinka Qaza, saacado kaddib markii ay oggolaatay hindisaha xabadjoojinta ee Qaza. Ururka Xamaas ee maammula Qaza ayaa sheegay in uusan aqoonsanayn hindisaha xabadjoojinta, waxaa uuna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isra'iil ayaa dib u billawday duqeymana ay la beeg sanayso marinka Qaza, saacado kaddib markii ay oggolaatay hindisaha xabadjoojinta ee Qaza. Ururka Xamaas ee maammula Qaza ayaa sheegay in uusan aqoonsanayn hindisaha xabadjoojinta, waxaa uuna sii waday gantaallaha uu ku ridayo Isra'iil xitaa kaddib markii ay Isra'iil ku dhawaaqday xabadjoojinta. Isaga oo xabad joojintiisa ku xidhay shardi inay Isra'iil sii dayso maxaabiista reer falastiin iyo inay xayiraada ka qaado marinka

Isra’iil ayaa iyadu markay ku dhawaaqday xabad joojinta waxay ka digtay hadii ay falastiin sii wado duqaymaha ay iyaduna dhankeeda bilaabayso isla markaana ay qaadayso weerarada dhanka cirka ah ee ay marinka Qaza ku beeg sanayso

Ururka xamaas ayaa iyagu aan joojin dhanka weerarada waxaana markii ay gantaalada ku rideen dhanka Isra’iil ay Isra’iilna markiiba bilawday duqaymihii ay ku haysay marinka Qaza iyada oo aan la xaqiijin qasaaraha weerarkaasi

Duqaymaha ay Isra’iil ku qaadayso marinka Qaza ayaa waxa ku naf waayey dad rayid ah oo ay ku jiraan caruuro tira badan oo falastiiniyiin ah waxaanay waxteelo ka soo gaadhaa qoysas tira badan oo halkaasi ku sugan


Contact@afkashacabka.com