Darawalada Gaadiidka Yar Yar ee Bajaajta oo ka qayliyey cashuur dul saar ah oo ay dawlada hoose ee Burco ku soo Rogtay

0
Tuesday July 15, 2014 - 19:46:45 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1075
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Darawalada Gaadiidka Yar Yar ee Bajaajta oo ka qayliyey cashuur dul saar ah oo ay dawlada hoose ee Burco ku soo Rogtay

    Gudida iyo dirawaliinta gadiidka yar yare e bajaajta loo yaqaano ee ka hir gashan magalada burco ee xarunta gobolka togdheer ayaa si weyn uga cawday cashuur dheeraad ah oo ay dawlada hoose ee magalada burco ku kordhisay cadadkii cashuurihii hore l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudida iyo dirawaliinta gadiidka yar yare e bajaajta loo yaqaano ee ka hir gashan magalada burco ee xarunta gobolka togdheer ayaa si weyn uga cawday cashuur dheeraad ah oo ay dawlada hoose ee magalada burco ku kordhisay cadadkii cashuurihii hore looga qaadi jiray iyo tacadiyo kale oo ay sheegeen in loo gaystay Darawaliintan gaadiid layda yaryar ee bajaajta loo yaqaano ayaa kordhinta cashuurtaasi ku tilmaamay mid sharciga baal marsan oo aan haba yaraatee lahayn wax jiwan ah,

Gudoomiyaha gudida bajaajta ee magalada burco axmed c/laahi Abokor oo ugu horayn halkaasi ka hadlay waxaana uu cashuurtaasi kordhinta ah ku tilmaamay mid boob ah waxaana hadaladiisii ka mid ahaa

"waxa nalaga qaada lacag bilaa juwan ah oo maaliba maalinta ka danbaysa Dawlada hoose sii kordhinayso.bal xageebay ku socotaa lacagtaasi waxa iminka la gaadhsiiyey bishii (boqol kun oo shilinka Somaliland ah,waxa sii dheer lacago kale oo ay qaataan cashuuraha barigu,mana aha waxaanu bixin karno waayo gaadhigan yare e sadexda taayirlaha ah waxa lagu mashquuliyay dad bilaa camal ahaa,xataa dowlada hoose waxay noo diiday in aanu isticmaalno wadooyinka laamiga ah iyo waliba istaamada waxaannu leenahay bajaajtii waa ta halkaasi tuba nee la xareeyey markii ay is bixin wayday,ee xukuumadu arintan wax ha ka qabato

Waxaa iyaguna sidoo kale halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah darawaliinta gaadiidkan yar yar waxaanay sheegeen in dawlada hoose ay askar u samaysatay isla markaana ay wadooyinkii waa waynaa ee la sameeyey ay u dhigtay waxayna sidoo kale sheegeen in gawaadhidii 999 ka ahaa ee wasarada arimaha guduhu u samaysatay hawlaha amaanka dawlada hoose ay amar ku siisay inay gaadiidka yar yare e bajaajta ay caydhsadaan waxayna xukuumada Somaliland ka cod sadeen inay arintan wax ka qabato

 

Eedayntani ay darawaliinta gaadiidka yar yare e bajaajta loo yaqaano ay u soo jeediyeen dawlada hoose ee magalada burco ayaa waxa uu imanayaa xili Dowlada hoose lagu eedaayo Inay Xilkeedii gabtay Sidoo kalena la sheegay inay xaraashtay guryihii ay la haayeen Policeka gobolka togdheer

 


Contac@afkashacabka.com