Xukuumadda Somaliland Oo Soo Bandhigtay, Lacagta Ku baxday mashuuca Seerayaaasha Iyo Cida Ka Maalgelisay

0
Tuesday July 15, 2014 - 19:56:21 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo Soo Bandhigtay, Lacagta Ku baxday mashuuca Seerayaaasha Iyo Cida Ka Maalgelisay

    Xukuumadda Somaliland oo soo bandhigtay mashuuraca seerayaasha, ujeedada laga leeyahay, kharashka ku baxay iyo cidda Somaliland ka taageertay. Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi AW Daahir Cali, ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland oo soo bandhigtay mashuuraca seerayaasha, ujeedada laga leeyahay, kharashka ku baxay iyo cidda Somaliland ka taageertay. Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi AW Daahir Cali, ayaa

boggisa ay bulshadu ku kulanto waxa uu ku shaaciyey qadarka lacageed ee ku baxday seerayaasha aqoori iyo qool caday iyo ujeedada laga leeyahay, waxaanuuu sheegay inay seerayaashaasi yihin seerayaashii hore ee dalka oo aan shaqaynin muddo 2 sanno ah.

Qoraalkan uu baahiyey Wasiirka Xoolaha Somaliland waxa uu u dhignaa sidan:- "Seeraha Aroori iyo QOOLCADAY waa seerihii hore u jiri jiray ee aan shaqayn muddo 23sano ah. Waxaa lagu samaynayaa dibuhabeyn. Waxaa inaga caawiyay DAWLAHA INGIRIISKA iyo Denmark . Markaan soo koobo waa waajibaad Saaran Dawladda oo ay uga Wakiil tahay WASAARADDA xanaanada XOOLUHU in dib u DHIS ku samayso kheyraadka ilaahay Ina siiyay. Waxaa Wada maamulaaya deegaanka iyo Maamulka WASAARADDA xanaanada Xoolaha marka la dhmaystiro. Waa :
1.Goobo lagu baxsado Waqtiga abaaraha
2. Waa goobo lagu beeraayo daaqa cusub oo neefka lagu naaxinaayo
3. Waa goobo lagu daaweynaayo xoolaha oo la keenaayo dhamaan daryeelkii iyo daawadii loo baahnaa
4. Gudahooda iyo debadoodaba waxaa laga samaynayaa CEELAL iyo Waro Waaweyn si biyo loo helo
2. Waxay Aboorayaan SHAQO ABUUR gaar ahaan deegaanka iyo aqoonyahanka ka soo qalinjabinaaya JAAMACADA XANAANADA XOOLAHA.

Waa waajibaad na Saaran in aan fulino . Inshallah waan fulinaynaa. Dadweynuhuna gacan ayay naga siinayaan. GUUL AYAAN IDIIN RAJAYNAYAA"



Contact@Afkashacabka.com