Mareeyaha Guud ee Shirkadda Laydhka HECO oo ka warbixiyey Faaidooyin uu keenay Midowgii Shirkadaha Laydha kana jawabay Cabashoyin shirkadda uga imanaya Bulshada

0
Wednesday July 16, 2014 - 08:16:25 in by Hargeysa Office
  • Visits: 964
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareeyaha Guud ee Shirkadda Laydhka HECO oo ka warbixiyey Faaidooyin uu keenay Midowgii Shirkadaha Laydha kana jawabay Cabashoyin shirkadda uga imanaya Bulshada

    waxa uu maareeyuhu sheegay ina midawgii shairkadahani ay usoo hooyeen sumcad badan dalka iyo gobolkaba maadaama oo ay far shirkadood isu tageen taasina ay tahay dhiirigalin xaga bulshada ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxa uu maareeyuhu sheegay ina midawgii shairkadahani ay usoo hooyeen sumcad badan dalka iyo gobolkaba maadaama oo ay far shirkadood isu tageen taasina ay tahay dhiirigalin xaga bulshada ah
Maareeyaha shirkada Heco Khadar Jibriil Aadan Oo Maanta Ka Warbixinayey Adeegyada Shirkada Heco Uqabto Bulshada Ku Dhaqan Magaalada

Burco,ayaa sheegay in midowgii shirkaduhu soo kordhiyey Guulo badan,isla markaasna Adeegyada dhinaca korontoda ay Bulshada u hayaan kor ugu qaadayaan waxanu hadalkiisi ku bilaabay "Shirkadu Waa Mid u taagan Taageerida Bulshada waxay Qabataa Adeegyo Badan Oo Bilaasha Oo Ay Ka Mid Yihiin Cusbitaalada Saldhigyada Bilayska MasaajidadaIyo Goobaha Shaaraca Ee Wadooyinkaā€¯ ayu yidhi

 

Maareeye Khadar oo wax laga Waydiiyay Cabasho Ka timi Qaar Ka mida Bulshada Ku dhaqan magaalda burco iyo waxyaabihii uga qabsoomay balan qaadkoodii ku aadanaa adeegyada bulshada ayaa ku jawaabay "Waxyaaba badan waan Qabanay Kolay Adeegyad Aan Balan Qaadnay Waxa Ka Mida Inaan Qiimo Dhimis Balaadhan Usamayno Macaamiishayda Iyo Inaan Keeno Qalab Aynu Kaga Faaidaysano Hawadeena Waxaanan Samaynay Qiimo Dhimis Balaadhan Oo Ah Adeega Laydhka Bilawgii Bisha Barakaysan Ee Ramadaan "ayu yidhi maareeyuhu

 

Waxa uu Maareeye Khadar Sheegay Inay shaqaalaha Shirakadu Habeen Iyo Maalinba heegan Ugu Jiraan Ilaalinta Dabka Oo Ay Afar Iyo Labaatanka Saacadoodba Ka Shaqeeyaan .


Waxa Kale Oo Uu Macaamiisha Ugu Baaqay In Cidii Cabasho Qabta Ay Timaado Xarumaha Shirkada Hecosidoo kale waxa uu maareeyuhu sheegay ina midawgii shairkadahani ay usoo hooyeen sumcad badan dalka iyo gobolkaba maadaama oo ay far shirkadood isu tageen taasina ay tahay dhiirigalin xaga bulshada ah



Afkashacabka.com
Burco / Office
Contact@afkashacabka.com