"Xuska 26-ka June Waxaa Walaalahayaga Gobolada Waqooyiga Ugu Baaqayaa Inay Tahay Mas'uuliyad Inoo Wada-taalla Inaan Dib U Hanano Qaranimadii Iyo Midnimadii Dalkeena" Farmaajo

0
Monday June 26, 2017 - 10:30:45 in by Burco Office
  • Visits: 534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xuska 26-ka June Waxaa Walaalahayaga Gobolada Waqooyiga Ugu Baaqayaa Inay Tahay Mas'uuliyad Inoo Wada-taalla Inaan Dib U Hanano Qaranimadii Iyo Midnimadii Dalkeena" Farmaajo

    "Xuska 26-ka June Waxaa Walaalahayaga Gobolada Waqooyiga Ugu Baaqayaa Inay Tahay Mas'uuliyad Inoo Wada-taalla Inaan Dib U Hanano Qaranimadii Iyo Midnimadii Dalkeena" Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xuska 26-ka June Waxaa Walaalahayaga Gobolada Waqooyiga Ugu Baaqayaa Inay Tahay Mas'uuliyad Inoo Wada-taalla Inaan Dib U Hanano Qaranimadii Iyo Midnimadii Dalkeena" Farmaajo

Madaxweynaha dalka Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa shacabka reer Somaliland ugu baaqay waxa uu ku sheegay in laga wada shaqeeyo qaranimadii iyo midnimadii dalka Soomaaliya.


Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay munaasabadda 26-kii June, oo ku beegan maalintii Somaliland ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, sanadkii 1960-ka, ayaa si dabacsan ula hadlay bulshada reer Somaliland.

Madaxweynaha oo munaasabadaasi ka hadlaayay, ayaa yidhi "Xuska 26-ka June waxaa walaalahayaga Gobolada Waqooyiga, dhalinyaro iyo waayeel, rag iyo dumarba aan ugu baaqayaa inay tahay masuuliyad inoo wada taala inaan dib u hanano qaranimadii iyo midnimadii dalkeena.”

Isagoo hadalkiisa wata, ayuu yidhi "Iyadoo taariikhdeena dhow qaybteeda xanuunka iyo foolxumada leh ay tahay inaan ka gudubno, si aan u gaadhno mustaqbal ka wanaagsan kan maanta aanu ku suganahay.”

Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hadda ka hadal hadalkan ka soo yeedhay Madaxweynaha dalka Soomaaliya