Ingiriiska Oo Joogteyn Doona Xidhiidhka Ganacsi Ee Dalalka Saboolka Ah

0
Monday June 26, 2017 - 10:43:16 in by Burco Office
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ingiriiska Oo Joogteyn Doona Xidhiidhka Ganacsi Ee Dalalka Saboolka Ah

    Ingiriiska Oo Joogteyn Doona Xidhiidhka Ganacsi Ee Dalalka Saboolka Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ingiriiska Oo Joogteyn Doona Xidhiidhka Ganacsi Ee Dalalka Saboolka Ah

Heshiisyada ganacsiga xorta ah ee waddamada soo koraya iyo Britain ayaa sii socon doona, xitaa ka dib ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, sida ay dowladdu sheegtay.


UK ayaa joogteyn doonta heshiika Midowga Yurub, ee siinaya 48 dal inay si bilaash ah badeecadahooda ugu soo dhoofiyaan dalkeeda.

Heshiiskan ayaa ka dhigan in shirkadaha Britain aysan canshuuri doonin badeecadaha laga soo iibsaday dalalka ay ka midka yihiin Bangladesh iyo Haiti.

Xoghayaha Ganacsiga Caalamiga ah ee Britain, Liam Fox ayaa sheegay in ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub uu dalkaasi fursad u siiyay inay xoojiyaan ballamadooda.

Haatan badeeco qiima ahaan u dhiganto £19.2bn ayaa laga soo dhoofiyaa 48 dal, oo ay ku jiraan 79% shaaha laga isticmaalo gudaha Britain.

Sidoo kale, 45% dharka loo soo dhoofiyo UK, iyo 22% qaxwaha, ayaa waxay uga yimaadaan dalalka soo koraya.

Dowladda ayaa sidoo kale ka fekereysa inay ballaariso xiriirka wadammada soo koraya sida Jamaica, Pakistan iyo Ghana oo haatan canshuur yar laga qaado amaba aan wax canshuur ahba laga qaadin.