Ugu Yaraan Sagaal Qof Oo Ku Dhintay Doon Ku Degtay Dalka Colombia
-Ugu yaraan sagaal qof ayaa dhintay ka dib markii doon rakaab ay ku quustay haro gacan ku sameys ah oo ku taalla waqooyi-galbeed dalka Colombia, sida uu boolisku sheegay.
Ilaa 28 qof ayaa la la`yahay ka dib markii doonta oo lagu magacaabo Almirante ay Axaddii ku degtay meel u dhow magaalada loo dalxiiska tago ee Guatapé, oo 45 km dhanka bari kaga beegan MedellĂn.
Waxaa doonta saarnaa ilaa 150 qof. Doonta ayaa ku quustay in ka yar shan daqiiqo, sida Juan Quiroz oo goob-jooge ah uu BBC u sheegay.
Doomo kale oo meesha ka dhawaa ayaa badbaadiyay dadkii saarnaa, iyagoo dadka biyaha ka soo saaray.
Helikoptarrada ciidamada iyo darawallo ayaa goobta loo diray.
In ka badan 20 qof ayaa loo qaaday isbitaalka Guatapé.
Ugu Yaraan Sagaal Qof Oo Ku Dhintay Doon Ku Degtay Dalka Colombia
Ugu Yaraan Sagaal Qof Oo Ku Dhintay Doon Ku Degtay Dalka Colombia