Axmed Cabdi Xaabsade Oo La Sheegay Inuu Ku Biirayo Xisbiga WADDANI, iyo Xisbiga Waddani oo ka hadlay

0
Wednesday July 16, 2014 - 11:48:00 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Cabdi Xaabsade Oo La Sheegay Inuu Ku Biirayo Xisbiga WADDANI, iyo Xisbiga Waddani oo ka hadlay

    Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa walaac ka muujiyey dedaallo ay sheegeen in xukuumadda talada Somaliland haysaa ay ku hor-joogsanayso...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa walaac ka muujiyey dedaallo ay sheegeen in xukuumadda talada Somaliland haysaa ay ku hor-joogsanayso...

 taageerayaal Miisaan leh oo doonaya inay ku biiraan.


 

Sidaana waxa saxaafadda u sheegay xoghayaha qorshaynta ee xisbiga WADDANI, Cabdirashiid Riyo-raac, isaga oo ku dooday in wasaaradda Maaliyadda Somaliland ay qasnadaha u furtay in taageerayaasha doonaya inay ku biiraan WADDANI la joojiyo oo lacag lagu iibsado, si ay uga tanaasulaan doonistooda ah inay ku biiraan xisbiga WADDANI.

Masuulkan oo shalay ka hadlayey Hargeysa, ayaa yidhi "Waxaanu ognahay in Wasaaradda Maaliyaddu ay qasnadaha Ummada u furtay in lagu ragaadiyo muwaadiniinta doonaya inay mabda’ooda la maraan meesha ay doonayanan iyo in dadka lacag lagaga joojiyo rabitaankooda oo lagula dagaalamo, taasina maaha wax ku cusub xukuumadda KULMIYE, wayna caadeysatay..”

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay woo baxayaan warar sheegaya in siyaasiyiin hore uga mid ahaa xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo oo xilalka laga qaaday ay doonayaan inay ku biiraan xisbiga WADDANI.

Sida ilo-wareedyo xog-ogaal ahi u sheegeen Wargeyska Somalilandtoday, masuuliyiinta xilalka ka soo qabtay xukuumadda ee doonaya inay ku biiraan xisbiga WADDANI, ayaa waxa ka mid ah siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade, oo xilal badan ka soo qabtay xukuumadda isla-markaana  markii u dambaysay ahaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud ee Somaliland.

Wararka aanu helay ayaa sheegaya in Axmed Cabdi Xaabsade ay weheliyaan siyaasiyiin kale oo ka mid ah kuwo ka soo jeeda gobolka Sool, iyada oo wararka qaarkood sheegayaan in raggaasi uu ka mid yihiin xildhibaanno dhowr ah, kuwaasi oo aan la dhacsanayn siyaasadda xukuumadda ee xilligan.

Siyasiga Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa mar uu dhawaan la hadlay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu sheegay inaan xukuumadda Somaliland ee xilka haysaa aanay waxba ka waydiin dhaqdhaqaaqyada ay ka waddo gobolka Sool "Intii muddo ahaydba waxayagii madaxda ahaa wax lanagama weydiiyo, khaas ahaan anigoo keenay gobalka Sool oo Somaliland ku soo daray, nasiib darro ayay noqotay inaan maanta waxba layga weydiin gobalka Sool, aad iyo aadna waan uga xumahay waanan qoomamaynayaa, khaladkaygana waan qaadanayaa”

Hadalka Axmed Cabdi Xaabsade oo ahaa muddo kooban ka dib markii xilka laga qaaday, ayaa muujinaya inuu ka niyad jabay inuu la sii shaqeeyo xukuumadda, isla-markaana uu door-bidayey inuu Mucaaradka ku biiro. 



Afkashacabka.com 

Hargeysa / Office 

Contact@afkashacabka.com