Shaqaale Ka Tirsan Qaramada Midoobay Oo Lagu Weeraray Dalka Liibiya -

0
Thursday June 29, 2017 - 12:52:47 in by Super Admin
  • Visits: 623
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaale Ka Tirsan Qaramada Midoobay Oo Lagu Weeraray Dalka Liibiya -

    Kolonyo gawaadhii ah oo uu leeyahay howlgalka Qaramada Midoobay ee Liibiya ayaa lagu weerarray meel u dhaw magaalo xeebeedka Surman, yadoo muddo kooban la haystay 7 shaqaalaha ah oo gawaadhida la socday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kolonyo gawaadhii ah oo uu leeyahay howlgalka Qaramada Midoobay ee Liibiya ayaa lagu weerarray meel u dhaw magaalo xeebeedka Surman, yadoo muddo kooban la haystay 7 shaqaalaha ah oo gawaadhida la socday.



Dableyda shaqaalaha qafaalatay ayaan wax shuruud ah ku xidhin sii deyntooda,Maleeshiyada weerarka fulisay ayaa markii dambe shaqaalaha Qaramada Midoobay ku wareejisay boolis maxalli ah oo deegaankaasi ka shaqeeya.Shaqaalaha ayaa isugu jiray afar ajaanib ah iyo saddex Liibiyaan ah, waxaana ay qeyb ka ahaayeen koox ka tirsan xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay kuwaasoo booqanayay muhaajiriin lagu hayo xabsiyo ku yaal magaaladaasi.

waxaana la filayaa in howlwadeennadaasi Qaramada Midoobay dib loogu celiyo caasimadda Tripoli.

 

Weerarkan ugu dambeeyay ayaa loo arkaa mid muujinaya amni darrada ay Liibiya ku wajahayaan hay'adaha caalamiga ah ee doonaya in ay ka shaqeeyaan dalkaasi.

Inta badan safaaradaha shisheeye iyo hay'adaha caalamiga ah ayaa iskaga baxay Liibiya sanadkii 2014, xilligaasi oo uu dagaal culus Tripoli ku dhex maray maleeshiyaad uu loolan ka dhexeeyo.