"Laba Jaar Oo Soomaaliyeed Ayey Somaliland Leedahay Midi Waa Jabuuti Oo Aanu Ku Hambalyeynayno Horu Marka Ay Gaadhay Midina Waa....." Murashax Muuse Biixi -

0
Thursday June 29, 2017 - 12:55:41 in by Super Admin
  • Visits: 533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Laba Jaar Oo Soomaaliyeed Ayey Somaliland Leedahay Midi Waa Jabuuti Oo Aanu Ku Hambalyeynayno Horu Marka Ay Gaadhay Midina Waa....." Murashax Muuse Biixi -

    Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku hambalyeeyey dawladda iyo shacabka Jabuuti horumarka ay gaadheen xuska sannad-guurada 40-aad ee ka soo wareeg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku hambalyeeyey dawladda iyo shacabka Jabuuti horumarka ay gaadheen xuska sannad-guurada 40-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimada ka qaateen gumaystihii Faransiiska 27 June 1977.


Isagoo arrintaasi ka hadlayeynaGuddoomiye Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey xaflad ka dhacday Hargeysa maanta oo safaaradda iyo jaaliyadda reer Jabuuti ee ku sugan caasimadda Somaliland abaabuleen, kana qaybgaleen madax kale, waxa uu sheegay in horumarka dhaqaale iyo nabadda uu sameeyey dalka Jabuuti tahay mid faa’iido u ah Somaliland oo jecel mar walba in dalalka jaarku horumaraan.

waxa uu yidhi, "Maanta Jabuuti waxay maraysaa dhaqaalaheedu kuwa ugu horreeya Geeska Afrika, Waxaannu ku hambalyeynaynaa Jabuuti horumarka ay gaadhay, nabadda iyo dhaqaalaheeda horumaray, waa jaarkayaga oo horumaray, jaarkaaga oo horumarana barwaaqadiisa wax baa kaa soo gaadhaya, haddii guriga kugu xigaa gubanayo dabkiisa ayaa ku soo gaadhaya, laba jaar oo Soomaaliyeed baanu leenahay haddaanu Somaliland nahay midi waa Jabuuti oo Soomaali iyo Canfarba way degan yihiin way barwaaqowday oo hore ayey u martay, annagana barwaaqo iyo nolol baa naga soo gaadha, midna waa Soomaalida Koonfureed oo dab iyo kulayl baa ka socda, annagana dab iyo kulayl baa naga soo gaadha, markaa waxa wanaagsan in jaarku horumaro.”

 

Waxa kaloo uu sheegay in madaxbannaanida uu haysto dalka Jabuuti ay ku timi casharradii ay ka barteen dhibaatadii reer Somaliland kala kulmeen midowgii Soomaaliya.

"Madaxweynihii Jabuuti Xasan Guuleed isagoo arkaaya Hargeysa wixii ka gaadhay Xamar iyo midnimadii waxa uu goostay inuu Jabuuti ka dhigo dawlad iskeed u taagan, dawladdii Soomaaliya ee markaa joogtay ee uu ka madaxda ahaa Maxamed Siyaad Barre waxay u fuushay geed dheer iyo mid gaabanba in Xasan Guuleed uu Jabuuti ku soo daro Xamar, raggii arrintaa loo diray waxa ka mid ah Axmed Siilaanyo oo Wasiirka Ganacsiga ahaa iyo Cumar Carte, markii uu Xasan Guuleed arkay iyagoo labadii hore qas ku jira waxa uu go’aan adag ku qaatay inuu Maxamed Siyaad ku yidhaa maya ee gaar baanu isku taagaynaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi.