Daawo:Wasiir Samaale oo Bulshada Somaliland u soo jeediyey inay waxqabadka iyo horumarka la gaadhay ka abaal celiyaan, Rajo na ka muujiyey in Xukumadda Siilanyo Mar kale ku guleysato Talada Dalka

0
Wednesday July 16, 2014 - 12:00:31 in by Hargeysa Office
  • Visits: 879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Wasiir Samaale oo Bulshada Somaliland u soo jeediyey inay waxqabadka iyo horumarka la gaadhay ka abaal celiyaan, Rajo na ka muujiyey in Xukumadda Siilanyo Mar kale ku guleysato Talada Dalka

    Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdi-casiis Maxamed Samaalle ayaa saadaaliyay in shacbiga Somaliland ay doorashada madaxtinimadda ee ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdi-casiis Maxamed Samaalle ayaa saadaaliyay in shacbiga Somaliland ay doorashada madaxtinimadda ee ...


lagu wado inay dalka ka dhacdo sannadka fooda innagu soo haya ee 2015-ka in Madaxweyne Siilaanyo mar kale ku guulaysan doono marka la eego baa uu yidi hwax-qabadka dhinacyada badan leh ee ay dalka ka hirgelisay afartii sanadood ee ay xilka ummadda haysay.


Wasiirka maaliyaddu waxa uu sheegay inuu rajaynayo shacbiga Somaliland inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo wax badan qabatay ay ugu abaal-celin doonaan inay mar kale codkooda siiyaan, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Dareenkayga kalsooni 100% ah ayaan ku qabaan xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda KULMIYE oo isku mid kaliya ahi, maanta oo aanu xilkii ummadda hayno,maanta oo aanu wax badan u qabanay shacbiga. Iyadoo madaxweynaha iyo xukuumadiisu ay horumarkaas dhinacyada badan leh ee la taaban karayo dalka ka qabteen, waxaan qabaa inay ummaddu ugu abaal-gudi doonto xukuumaddan inay codkooda mar labaad siiyaan.”

"Miisaaniyaddii 2013-kii waxaan Golaha Wakiiladda horgeeyay Bishii December,miisaaniyadii sannadkan aynu hadda ku jirno ee 2014-kiina waxaan horgeeyay Bishii October ee kal-hore, sannadkanna miisaaniyadda 2015-ka waxaan ku tallo-jiraa inaan Golaha Wakiiladda horgeeyo xiliga sharcigu qorayo oo aan geeyo bisha October ee fooda innagu soo haysa, markaa way iga go’an tahay inaan miisaaniyadda ku gole-geeyo xiliga sharcigu dhigayo oo aan waligeed taariikhda Somaliland ka dhicin oo aan saddexdaas sannadood ee aan wasaaradda joogay aan mar walba geeyay wakhtigii loogu tallo-galay,”ayuu yidhi Wasiir Samaalle.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo shalay u warramayay Horn Cable TV, waxa kale oo uu ka hadlayay hanaanka ay u maamulaan lacagta qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ahi ugu deeqaan Somaliland, waxa uu yidhi "Waxa Jira mashruuc la yidhaahdo (Somaliland Development fund) oo ah mashruuca horumarinta Somaliland oo waddamo badan oo reer Yurub ahi ka qeyb-qaataan oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Sweden, Norway iyo qaar kaleba. Lacag 14 milyan iyo shan boqol oo kun oo Dollar ah ayay ugu tallo-galeen sannadkan 2014-ka inay galiyaan Somaliland Wasaaradaha oo ay ugu horayso wasaaradda qorshaynta qaranka oo ah wasaaradii qorshaynaysay baahiyaha kala duwan ee qaranka ah iyo wasaaradda maaliyadda iyo wasaaradaha kale ee loo baahan yahay inay lacagtaasi gasho waxaanay leeyihiin Guddi isku dhafan. Lacagtaasina waa lacag ay waddamadaasi toos innoogu deeqaan iyagoo korjoogtada leh”

 

 






Contact@afkashacabka.com