Qaramada Midoobay Oo Dhintay Kharashka Nabad Ilaalinta.

0
Sunday July 02, 2017 - 09:41:26 in by Burco Office
  • Visits: 493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo Dhintay Kharashka Nabad Ilaalinta.

    Qaramada Midoobay Oo Dhintay Kharashka Nabad Ilaalinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay Oo Dhintay Kharashka Nabad Ilaalinta.

Qaramada Midoobay ayaa isku raacday dhimista ku dhawaad lix boqol oo milyan oo doolar oo ah miisaaniyadda sannadlaha ah ee hawlgaladda nabad ilaalinta.


Mareykanka oo ah bixiya taburacaha ugu badan ee miisaaniyada nabad ilaalinta ayaa soo dhaweeyey tallaabadan, laakiin wuxuu ku baaqay in la sameeyo dhimis kale oo dheeraad ah.

Miisaaniyada hoos loo dhigay ee 7.3 bilyan oo doolar ayaa waxaa isku af-gartay Golaha loo dhan yahay iyadoo lagu maalgalin doono 14 hawlgallo nabad illaalin oo laga wado daafaha aduunka.

Lacagta nabad ilaalinta kaga baxda Qaramada Midoobay kalabarkeed waxay ka timaadaa shan dalLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionLacagta nabad ilaalinta kaga baxda Qaramada Midoobay kalabarkeed waxay ka timaadaa shan dal

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric, ayaa sheegay in dadaal kasta loo sameeyey in lagu fuliyo socodsiinta nabadda inkastoo miisaaniyadda hoos loo dhigay.