Qarax wayn Oo ka Dhacay Magaalada Kabuul Ee Dalka Afgaanistan.

0
Monday July 24, 2017 - 12:19:39 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax wayn Oo ka Dhacay Magaalada Kabuul Ee Dalka Afgaanistan.

    Qarax wayn Oo ka Dhacay Magaalada Kabuul Ee Dalka Afgaanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax wayn Oo ka Dhacay Magaalada Kabuul Ee Dalka Afgaanistan. Qarax wayn Oo ka Dhacay Magaalada Kabuul Ee Dalka Afgaanistan.

 

 

Qarax loo adeegsaday gaari bambaano lagu soo xiray ayaa ka dhacay caasimada Afqanistaan ee, Kabul, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 24 qof, sida ay saraakiisha dalkaasi u sheegeen BBC.

Ugu yaraan 42 qof ayaa ku dhaawacantay balse waxaa laga cabsi qabaa in tirada ay sii korodho.

Qaraxa ayaa ka dhacay degmo ay ku badan yihiin dadka Shiicada oo ku taalla galbeedka caasimada,waxaana lala bartilmaameedsaday gaari Bas ah oo ay saarnaayeen shaqaalo ka tirsan wasaarada macdanta.

Kooxda Taliban ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaasi ka dhacay caasimada Kabul.

Magaalada Kabul ayaa sanadkan waxaa ka dhacay tiro qaraxyo ah oo ay dad badan ku dhinteen waxaana qaraxyadan inta badan lagu eedeeyay in ay ka danbeeyaan kooxda Taliba iyo kooxda isku magacaawday dowladda Islamka.

Ciidamada ammaanka ayaa isku gadaamay goobta uu ka dhacay qaraxa saaka oo dhacay xili ay dadka shaqooyiinka u kallahayeen.

Sawirro goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya gaariga Baska oo gabi ahaanba burburay.

Af-hayeen u hadlay dowladda Afqanistaan oo lagu magacaabo Mohammad Mohaqiq ayaa sheegay in dadka weerarka fuliyay laga yaabo in gurigisa bartilmaameedsanayeen ,balse ay joojiyeen ilaalada.

Mr Mohaqiq ayaa ah sidoo kale hogaamiyaha bulshada Shiicada ee laga tirada badan yahay ee Hazara.

Weeraro dhowr ah ayaa lagu qaaday degmadaasi oo ay ku badan yihiin Shiicada,waxaana qaraxyadii goobtaasi ka dhacay dadkii ku dhintay ka mid ahaa wadaadka lagu magacaabo Ramazan Hussainzada bishii aanu soo dhaafnay.

Madaxwaynaha Afqaanistaan Ashraf Ghani ayaa canbaareeyay weerarkan ugu danbeeyay.

Bishii aanu soo dhaafnay, ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhimatay 58 kalena way ku dhaawacmeen weerar gaari loo adeegsaday oo ka dhacay meel dibadda ka ah bangi ku yaalla gobolka Helmand.