Daawo:Diyaarado dagaal Oo Duqeyn ka Geystay Duleedka Degmada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo.

0
Saturday July 29, 2017 - 11:36:30 in by Burco Office
  • Visits: 496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Diyaarado dagaal Oo Duqeyn ka Geystay Duleedka Degmada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo.

    Diyaarado dagaal Oo Duqeyn ka Geystay Duleedka Degmada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarado dagaal Oo Duqeyn ka Geystay Duleedka Degmada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo. Diyaarado dagaal Oo Duqeyn ka Geystay Duleedka Degmada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo.

 

 

Diyaarado dagaal ayaa lasoo sheegayaa in duqeymo ay ka geysteen saldhig ay leeyihiin Al Shabaab oo ku yaalla duleedka degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Deegaanka Kulmis oo dhaca duleedka Degmada Garbahaarey ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhacday duqeynta, waxaana deegaanka saldhig ciidan ku leh Xarakadda Al Shabaab.

Saraakiisha ciidamada maamul-gobolleedka Jubaland ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in khasaare ay ka soo gaareen Al-Shabaab duqeymaha ka dhacay deegaanka. Sidoo kale waxaa ay sheegeen in gawaari ay leeyihiin Al Shabaab ay bur-bureen.

"Deegaanka Kulmis, waxaa duqeyn ka geystay diyaarado aan la aqoon wadanka laga leeyahay, waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah balse lama garanaayo inta ay la egyihiinā€¯, mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Hiiraan Online u sheegay.

Ilaa iyo iminka lama oga wadanka laga leeyahay diyaaradaha duqeynta ka geystay degmadda Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

17-kii bishan July, diyaarado dagaal oo loo malaynayo inay leedahay dowladda Kenya ayaa duqeeyay degaannada kala ah Kabis iyo Sunuje oo jihada waqooyi kaga beegan magaalada Garbahaarey ee xarunta Gedo.

Saraakiisha degmada Garbahaareey ayaa ka gaabsadeen inay ka warbixiyaan duqeynta dhacday.

Diyaaradaha dowladdaha Kenya iyo Mareykanka ayaa inta badan duqeeya saldhigyada Al Shabaab ee ku yaalla koonfurta dalka Soomaaliya sida gobolada Shabeellaha Hoose iyo Gedo.