Ujeedada Socdaal Uu John Kerry Ku Tegayo Dalka Kenya

0
Saturday July 29, 2017 - 12:08:48 in by Burco Office
  • Visits: 612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Socdaal Uu John Kerry Ku Tegayo Dalka Kenya

    Ujeedada Socdaal Uu John Kerry Ku Tegayo Dalka Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ujeedada Socdaal Uu John Kerry Ku Tegayo Dalka Kenya

Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka John Kerry, ayaa lagu wadaa inuu soo gaadho dalkan Kenya toddobaadka soo socda si uu qayb uga noqdo guddiyad dusha ka eegidoona duurashada ka dhicidoonta dalka Kenya.
Warka imaanshaha xoghaye John Kerry ayaa waxaa sheegay safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya Robert Godec.

Safiirka ayaa carabka ku dhuftay in John Kerry ay si wadajir ah u wada hoggaaminayaan korjoogtada caalamiga ee indha indheyneysa doorashada Kenya Aminata Toure.

Godec ayaa hadalkan ka sheegay shir ku saabsan arrimaha ammaanka inta lagu guda jiro codbixinta doorashada, oo uu la qaatey hoggaamiyaha aqlabiyadda ee Golaha Shacabka Kenya Aadan Barre Ducaale.

Kerry iyo Aminata ayaa la kulmi doona marka ay Kenya yimaadaan musharaxiinta axsaabta siyaasadda, ururada bulshada rayidka, madaxda dowladdda iyo korjoogtada kale ee caalamiga ah.

John Kerry iyo ra’iisal wasaarihii hore ee Senegal Aminata Toure, ayaa si wadajir ah u hoggaaminaya hawlgalka xarunta dhexe ee doorashooyinka Carter.

Labadan xubnood ayaa waxaa u doortey iney hoggaamiyaan kooxdan xarunta doorashooyinka Carter, kuwaasoo ka kooban konton korjoogayaal caalami ah, oo indha indheynaya doorashada ka dhaceysa Kenya 08-da August ee bisha danbe.

Ms Toure ayaa tilmaantey iney sharaf weyn u tahay iney qeyb ka noqoto hoggaaminta hawlgalkan.
Waxey farta ku fiiqday in dimuqraadiyadda Kenya ay u muuqan doonto mid ka xoogan intii hore marka ay dhaceyso doorashada, si ay ugu noqoto qaaradda Africa inteeda kale tusaale wanaagsan oo ku dayasho mudan.
"Waxaan quud dareynayaa in doorashada ay u dhici doonto si nabad ah, si ay uga turjunto dimuqraadiyadda gaamurtay ee Kenya. Waxaan ku boorinayaa dhammaan axsaabta iyo dadka kale ee qeybta ka ah doorashada iney u dhaqmaan si ay mas’uuliyadi ku dheehan tahay, kana dalbadaan taageerayaashooda iney sidaasi oo kale u dhaqmaan,” ayey tiri Ms Toure.
Xarunta Carter waxaa ku casuumey iney kor joogto ka noqoto doorashada guddiga madaxa bannaan ee doorashada iyo xuduudaha ee dalkan Kenya.
Xarunta doorashooyinka Canter, waa hey’add aan dowli aheyn, taasoo diirada saarta arrimaha Xuquuqda Aadanaha, xalinta khilaafaadka, indha indheynta doorashooyinka iyo caafimaadka dadweynaha iyo arrimaha kaloo fara badan