Shiinaha: Waan iska difaaceynaa cid walboo gayigeenna ku soo xadgudubta

0
Tuesday August 01, 2017 - 10:12:43 in by Burco Office
  • Visits: 439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiinaha: Waan iska difaaceynaa cid walboo gayigeenna ku soo xadgudubta

    Shiinaha: Waan iska difaaceynaa cid walboo gayigeenna ku soo xadgudubta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shiinaha: Waan iska difaaceynaa cid walboo gayigeenna ku soo xadgudubta

Madaxweynaha dalka Shiinaha, Xi Jinping, ayaa ku hanjabay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu iska difaaco cid walba oo ku soo xadgudubta, isagoo khudbad ka jeedinayay xuska sagaal snao guuradii ka soo wareegatay markii la aasaasay Ciidamada Xoreynta Shacabka.

Wuxuu sheegay in xukuumadda Beijing aysan qofna ka oggolaan doonin inuu kala qaybiyo gayi ka tirsan Shiinaha. Madaxweyne Xi Jinping ayaanan farta ku fiiqin muran ka taagan gayi gaar ah. Balse toddobaadkii hore xukuumadda Beijing ayaa ku eedeysay ciidamada Hindiya inay u soo gudbeen gayigeeda buuraha Himalayas.

Xukuumadda Delhi ayaa dhankeeda sheegtay inay ciidamo u dirtay gobolka Dokam bishii hore, si ay Shiinaha uga joojiso inuu waddo cusub ka dhiso dhulkaasi oo ay sheegato boqortooyada Bhutan