Nuxurka Khilaaf Adag Oo Soo Kala Dhex-galay Laba Wasiir Oo Ka Tirsan Xukuumadda Siilanyo Dacwadooda Oo Madaxtooyadda Gaadhey Iyo Arimaha La Isku Maan Dhaafay
- (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Hargeysa(AFKA);Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa waxay sheegayaan in khilaaf adagi uu soo kala dhex galay wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habbane "Cabdilaahi Dheere" iyo wasiirka dalxiiska iyo dhaqanka Somaliland Khadar Xaaji Yuusuf.
Labadan masuul oo khilaafkoodu ahaa mid huursan ayaa maalmihii u danbeeyey soo ifbaxayay,waxaana ay isku maandhaafeen sida xoguhu tibaaxayaan go’aankii wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Habbane uu kasoo saaray arday wax ka baran jirtay dugsiyada Maxamuud Axmed Cali iyo Al-Jasiira oo uu leeyahay dugsigan wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska Somaliland.
Waxaana wasiirka waxbarashadu uu dhawaan go’aan adag kasoo saaray arday wax ka baran jirtay dugsiga Al-jasiira oo uu mulkiile ka yahay wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka Somaliland,kuwaas oo uu sheegay wasiirku inay kasoo boodeen fasalo dugsiyada dhexe ah,isla markaana uu sidaasi kaga mamnuuacy waxbarashada.
Waxaana go;aankan uu wasiir Habbane qaatay ay ka cadhaysiisay sida la sheegay wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Khadar Xaaji Yuusuf,isaga oo wasiir Habbane ugu baaqay kana codsaday in uu dib uga noqdo go’aankaasi,balse wasiirka waxbarashada ayaa ku gacan saydhay dhawaaqaasi uga yimi wasiirka Khadar Xaaji Yuusuf,waxaana taasi ay sababtay in khilaafkaasi oo muddo huursanaa uu dabada usoo baxo.
Gabagabadiina ilaa hadda lama garanayo halka uu saldhigan doono khilaafkani ka dhex qarxay labadan masuul ee wasiirada Waxbarashada iyo Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland.
Nuxurka Khilaaf Adag Oo Soo Kala Dhex-galay Laba Wasiir Oo Ka Tirsan Xukuumadda Siilanyo Dacwadooda Oo Madaxtooyadda Gaadhey Iyo Arimaha La Isku Maan Dhaafay
Hargeysa(AFKA);Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa waxay sheegayaan in khilaaf adagi uu soo kala dhex galay wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habbane "Cabdilaahi Dheere" iyo wasiirka dalxiiska iyo dhaqanka S