Gabayga "XAQ-DHAWR" oo Lagu Taagerayo Wasiir Xirsi

0
Friday July 18, 2014 - 17:04:03 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabayga "XAQ-DHAWR" oo Lagu Taagerayo Wasiir Xirsi

    Gabaygan Waxaan Ku Taageerayaa Wax Qabadka Muuqda Ee Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane XIRSI XAAJI CALI XASAN.. Ka Bogasho Wacan :-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabaygan Waxaan Ku Taageerayaa Wax Qabadka Muuqda Ee Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane XIRSI XAAJI CALI XASAN.. Ka Bogasho Wacan :-


 

Gabayga "XAQ-DHAWR"

 

1.       Xa’da Maanso, Xarakaynta Gabay, Xarafka Suugaanta

2.       Xeerkeeda Goortaan Furaa, Lala Xadreeyaaye

3.       Murti Lagu Xisaabtamo Rag Yahow, Waan Xambaarsanaye

4.       Xusullada Ka Buuxsada Markani, Waan Xantoobsadaye .

5.       Xil Haddii Laguu Dhiibo Oo ,  Lagu Xurmaynaayo

6.       Waa Inaad Xammaal Daran Tahood, Xeelad Leedahaye

7.       Waa Inaad Xaq-dhawr Iyo Taqaan, Shacab Xurmayntiiye

8.       Waa Inaad Xalaal Miirad Tahay , Xamasho Waa Ceebe

9.       Waa Inaanay Xaaraani Galin, Xubin Calooleede

10.   Waa Inaad  Xaliim Tahay marnaba, Aan Xanaaq galine

11.   Waa Inaad Xad-gudubkiyo Nacdaa, Xanafta Beeleede

12.   Waa Inaad Xaq-soorkiyo Cadliga, Xeer-Yaqaan tahaye

13.   Waa Inaad   Xumaatada Dhammaan, Xagal Ku Moostaaye

 

14. Waa Inaad Xaggii Diinta Sare, Xaafid Aad Tahaye

15. Waa Inaad Xashiishkiyo Khamrada, Xannibto Qaadkiiye

16. Xarbi iyo Dagaal Waa Inaad, Xaaqdo Gabigoode

17. Marka Aad Xasiliseed Wanaag, Aad Xubbiga Beerto

18. Xeelad Iyo Awood Sheegashadu, Waa Xumaan kale’e

19. Waa Inaad Xamdiga Eebbeheen, Xoog U Badisaa Dhe.

20. Afartaas Intaan Xalay Miyaan, Xanaf ka dheereeyay

21. Suugaantu Xeerkay Lahayd, Saw Xaq Uma Sheegin

22. Xarafkaan Ka Qaadiyo Miyaan, Xeradi Waydaarshay

23. Afar Kale na Aan Soo Xawilo, Waa Xusuus Qorane.

24. Xil Haddii Laguu Dhiibo Oo , Lagu Xurmaynaayo

25. Waa Inaad Xisaab tami Taqaan, Qallin Xarriiqdaaye

26. Xoolaha Dad Weynaha Ka Yimi, Kala Xasaynayne

27. Cashuuraha Lasoo Xoomiyana , Kala Xad’aysaaye

28. Adigoon Xasarad Beerahayn, Kala Xawaaraynta

29. Waa Inaad Xaggaas Iyo Xaggaas, Xeebta Iyo Hawdka

30. Xayn-daabka Guud Ee Dalkiyo, Wadar Xuduuddeenna

31. Waa Inaad Xayaysiin Taqaan, Xoogga Aan Nahaye

32. Cadawguna Markaasuu Xidhkiyo, Ayga Sii Xuliye

33. Waa Inaad Wax Lama Xaasidee, Xuubsan Jaarkana’e

34. Xasiloonideenniyo jirtaa, Nabadda Xeerkeeda .

35. Afartaas Intaan Xalay Miyaan, Xanaf ka dheereeyay

36. Suugaantu Xeerkay Lahayd, Saw Xaq Uma Sheegin

37. Xarafkaan Ka Qaadiyo Miyaan, Xeradi Waydaarshay

38. Afar Kale na Aan Soo Xawilo, Waa Xusuus Qorane.

39. Xaasidnimo Ma Fiicnee Haddaan, Gabayga Xayndaabo

40. Xayaabada Sarreysiyo Haddaan, Diirka Ka Xayuubsho

41. Intaas Aan Sifaad Soo Xuleen, Wadar Usoo Xoorshay

42. Anoon Been Ku Xarakaynahayn, Xarafka Suugaanta

43. Anoon Xoola laysiiya iyo , Doolar Xilanaynin

44. Ama Aan Xigaal Iyo U Galin, Xidid I Maamuusa

45. Ama Aan Xil-doon Iyo Ka Wadin, Jago La Ii Xaadho

46. Qofkastaba Ha Xiiqee Runtaa, Lagu Xaquuqaaye

47. Ninka Lagu Xisaabtamahayee, Noo Xidiginaaya

48. Xilkasnimo , Xaqdhawr Sare, Xurmiyo, Horu-mar Xoogeystay

49. XIRSI XAAJI CALI Bay Dhabtii, Xulatay Laabtaydu !!!



CURIYE:- Xasan Daaci Abiib Faarax , 16/7/2014.