Arsenal Oo Diyaar U Ah Inay Alex Oxlade-Chamberlain Ka Iibiso Chelsea & Sababtii Ay Ugu Diideen Liverpool Oo La Ogaaday

0
Sunday August 27, 2017 - 09:53:31 in by salman abdi
  • Visits: 894
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsenal Oo Diyaar U Ah Inay Alex Oxlade-Chamberlain Ka Iibiso Chelsea & Sababtii Ay Ugu Diideen Liverpool Oo La Ogaaday

    Arsenal ayaa ka iibin doonta xiddiga garabka ka ciyaara Alex Oxlade-Chamberlain kooxda Chelsea isbuucaan, sababtoo ah waxa ay u arkaan in Liverpool ay halis weyn ku tahay rajadooda afarta kaalimood ee ugu sareysa horyaalka xilli ciyaareedkan, sida ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsenal ayaa ka iibin doonta xiddiga garabka ka ciyaara Alex Oxlade-Chamberlain kooxda Chelsea isbuucaan, sababtoo ah waxa ay u arkaan in Liverpool ay halis weyn ku tahay rajadooda afarta kaalimood ee ugu sareysa horyaalka xilli ciyaareedkan, sida ay qortay jariirada Sunday Mirror.

Chelsea ayaa diyaar u ah inay ka bixiso xiddiga khadka dhexe ee Gunners lacag gaareysa 40 milyan ginni, waxaana xiddigaan sidoo kale doonaya tababaraha Reds Jurgen Klopp.

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaan dooneynin inuu Oxlade-Chamberlain baxo, laakiin xiddiga England ayay ka go’an tahay inuu ka tago Emirates ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Sida ay qortay Sunday Mirror, Wenger ayaa u arka Chelsea kuwa si dhab ah ugu tartamaya horyaalka haddii ay heystaan Oxlade-Chamberlain iyo haddii kaleba, laakiin waxa uu aaminsan yahay in Liverpool ay ku dhibtoon doonto ku dhameysiga afarta kaalimood ee ugu sareysa madaama ay ka qeyb galayaan Champions League xilli ciyaareedkan, mana doonayo inuu sii adkeeyo fursadahooda.

Kooxda horyaalka heysata ee Chelsea ayaa diyaar u ah inay bixiso lacagta ay Arsenal ku dooneyso ciyaartyahanka kaasoo diiday inuu Gunners ku sii joogo mushahar uu isbuucii ku qaadanayo 180 kun ginni.

Arsenal ayaa sidoo kale laga yaabaa inay go’aan ka gaarto Mesut Ozil kaasoo sida Oxlade-Chamberlain iyo Alexis Sanchez haatan ku jira sannadkii ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa.

Kooxda Bundesliga ka dhisan ee Borussia Dortmund ayaa 130 milyan ginni ku heshay heshiiskii ay Ousmane Dembele kaga iibiyeen kooxda Barcelona.