Khabiirka BBC Sport Garth Crook Oo Soo Xushay Shaxda Isbuuca Ee Premier League – Liverpool & Man City Oo Hogaaminaya Iyo Man United Oo Ka Maqan

0
Monday August 28, 2017 - 09:08:39 in by salman abdi
  • Visits: 891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khabiirka BBC Sport Garth Crook Oo Soo Xushay Shaxda Isbuuca Ee Premier League – Liverpool & Man City Oo Hogaaminaya Iyo Man United Oo Ka Maqan

    Manchester United ayaa sidii wadata guulaha ay ku bilowdeen xilli ciyaareedka cusub ee Premier League iyagoo guul gurigooda kaga gaaray kooxda Leicester City.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa sidii wadata guulaha ay ku bilowdeen xilli ciyaareedka cusub ee Premier League iyagoo guul gurigooda kaga gaaray kooxda Leicester City.

Manchester United ayaa sidii wadata guulaha ay ku bilowdeen xilli ciyaareedka cusub ee Premier League iyagoo guul gurigooda kaga gaaray kooxda Leicester City.

Sidoo kale isbuuc fiican ayay aheyd Liverpool kuwaasoo Anfield ku xasuuqay Arsenal, halka Chelsea ay Stamford Bridge ku dubatay kooxda Everton, iyadoo kooxaha Newcastle iyo Swansea ay labaduba gaareen guushoodii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka.

Tottenham ayaa laga beeniyay guushoodii ugu horeysay ee gurigooda cusub ee Wembley ka dib gool uu xilli danbe Chris Wood u dhaliyay Burnley.

Huddersfield ayaan weli laga badinin si la mid ah Manchester City, Southampton, West Brom iyo Watford, laakiin Bournemouth iyo Crystal Palace ayaa weli raadinaya dhibicdoodii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka.


Khabiirka BBC Sport Garth Crook ayaa soo xushay 11kii ciyaaryahan ee isbuucaan ugu fiicnaa horyaalka Premier League, waxaana hogaaminaya kooxaha Liverpool iyo Manchester City oo min seddex ciyaartoy ku leh, halka Chelsea ay labo ciyaaryahan ku leeyihiin. Waxaana xusid mudan in Man United oo horyaalka hogaamineysa aysan wax ciyaartoy ah ku laheyn shaxdiisa isbuucaan.

Dhanka goolka waxaa uu isbuucaan u soo xushay goolhayaha Leicester City kaasoo rigoore ka badbaadiyya Romelu Lukaku islamarkaana fursado badan ka beeniyay Man United inkastoo 2-0 looga badiyay kooxdiisa.

Seddexda daafaca danbe ee uu soo xushay Garth Crook waxa ay kala yihiin, daafaca Chelsea Azpilicueta, kan Liverpool Joel Matip iyo daafaca Manchester City Benmajin Mendy.

Afarta khadka dhexe waxa uu Garth Crook soo xushay labada xiddig ee Manchester City De Bruyne iyo Raheem Sterling oo goolka guusha u dhaliyay, Cesc Fabregas oo shabaqa soo taabtay kulankii ay Chelsea ka badisay Everton iyo xiddiga Newcastle Ritchie oo gacan ka geystay guushii ugu horeysay ee Newcastle ee xilli ciyaareedkan.

Dhanka weerarka waxaa hogaaminaya labada xiddig ee Liverpool Mohamed Salah iyo Sadio Mane kuwaasoo shabaqa soo taabtay kulankii ay shalayto 4-0 kaga badiyeen Arsenal, waxaana ku wehliya xididga amaahda uga soo maqan Chelsea ee haatan jooga Swansea Abraham kaasoo shabaqa soo taabtay kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Crystal Palace.

Garth Crooks' team of the week