Liverpool Oo Dalab 80 Milyan Yuro Ka Gudbisay Thomas Lemar Si Ay Saxiixiisa Uga Afduubtaan Arsenal

0
Monday August 28, 2017 - 15:29:23 in by salman abdi
  • Visits: 958
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool Oo Dalab 80 Milyan Yuro Ka Gudbisay Thomas Lemar Si Ay Saxiixiisa Uga Afduubtaan Arsenal

    Kooxda Premier League ka dhisan ee Liverpool ayaa dalab 80 milyan yuro u gudbisay kooxda AS Monaco oo ku aadan kubadsameeyaha reer France Thomas L'Equipe, sida ay qortay jariirada Faransiiska ee L'Equipe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Premier League ka dhisan ee Liverpool ayaa dalab 80 milyan yuro u gudbisay kooxda AS Monaco oo ku aadan kubadsameeyaha reer France Thomas L'Equipe, sida ay qortay jariirada Faransiiska ee L'Equipe.  

Kooxda Premier League ka dhisan ee Liverpool ayaa dalab 80 milyan yuro u gudbisay kooxda AS Monaco oo ku aadan kubadsameeyaha reer France Thomas L’Equipe, sida ay qortay jariirada Faransiiska ee L’Equipe.

Dalabka ay gudbisay Liverpool waxaa ku jira 8 milyan yuro oo ku xiran sharuudo, iyadoo Reds ay ku dhow dahay inay heshiiska soo gabagabeyso maanta haddii ay macquul tahay.


Reds ayaa dooneysa inuu Lemar u maro tijaabada caafimaadka si aysan u baalmarin sharciga adag ee tababaraha xulka Faransiiska Didier Deschamps kaasoo diida inay ciyaartoyda Faransiiska ka tagaan xerada tababarka sababo la xiriira suuqa kala iibsiga.

Dhamaan ciyaartoyda xulka qaranka Faransa ayaa la filayaa inay soo xaadiraan xaruntooda tababarka ee Clairefontaine ka hor caawa.

Liverpool ayaan weli maqlin jawaab celinta Monaco, waxaana sidaasi darteed la filayaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u wacaan madaxweyne ku xigeenka AS Monaco Vadim Vasilyev si ay u dedejiyaan heshiiska, sida ay sheegeyso L’Equipe.

Lemar ayaa ah ciyaaryahan ay daba joogtay Arsenal xagaagan oo dhan iyagoo ka gudbiyay seddex dalab, iyadoo midkii ugu danbeeyay uu qiimihiisa ahaa 50 milyan ginni.

Ciyaaryahanka ayaa go’aansaday inuu ka ciyaaro horyaalka Premier League.