Yaa Mudan Hogaan? W/Q Khaalid Maxamed Cabdi

0
Sunday July 20, 2014 - 08:56:22 in by Super Admin
  • Visits: 1411
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Yaa Mudan Hogaan? W/Q Khaalid Maxamed Cabdi

    Aalaaba dhibaatooyinka la kulma dadka maamulka haysta waxaa kamida cidii mudnayd maamulka waax kamida waaxaha shaqada ee waddanka ha ahaato shirkad loo leeyahay si gaar ah amaba xafiis kamida xafiisyada dowlada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aalaaba dhibaatooyinka la kulma dadka maamulka haysta waxaa kamida cidii mudnayd maamulka waax kamida waaxaha shaqada ee waddanka ha ahaato shirkad loo leeyahay si gaar ah amaba xafiis kamida xafiisyada dowlada

oo aan loo soo xulan si sax ah loona eegin waxyaabaha ay muhiimka tahay in la eego marka qofka loo dhiibayo shaqo hadaba

Maxaynu wax Ku miisaanaa marka la soo xulanayo xubin kamida xubnaha shaqada labadaa qaybood?

Maxaa se mudan kii lahaadaa inuu hogaamiye noqdo?

Xagaynu se ka raad raaci karnaa qofka astaamaha loo baahanyahay inuu lahaado ?

Si aynu uga jaawabno su’aalahaa isuna barbar dhigno wadciga waddanka iyo kamudan in la raaco waxan soo qaadanayaa hal tusaale oo inoo bayaaminaya jawaabaha

Nabi Yuusuf (Naxariis Iyo Nabad galyo korkiisa Ha Ahaatee ) markii uu kazoo baxay jeelka oo uu boqorki damcay inuu u dhiibo mansab ama xil muxuu ku yidhi boqorkii

(قَالَ اجْعَلْنِي عَلَىٰ خَزَائِنِ الْأَرْضِ ۖإِنِّي حَفِيظٌ عَلِيمٌ)آيه55سورة يوسف

 

Nabi yuusuf (NNKH) wuxu ku yidhi ii dhiib Qasnadaha Dhulka waxan ahay Mid Amaanada Xifdiya Khibradna u leh

nabi yuusuf(NNKH) wuxu dalbaday jago u dhiganta wasaarada maaliyada wuxuuna u dalbaday wayoo waana amiin khibradna wuu leeyahay.

Nabi yuusuf(NNKH) isumuu soo taagin jagada maaliyada ee waxa uu arkayay inuu kasoo baxayo waxna kabadali karo

maaliyad waxa lagu maamulaa waa amaano iyo khibrad,aqoon ama karti .

Waxaynu inagu wax ku miisaanaa waa reer hebel iyo inbadanbuu mucaarad ila soo ahaa

Waxaase mudan in kii lahaada khibrad iyo aamano wax loo dhiibto waxaynuna ka raad raaci karnaa aayadaa .

Hadii qofku uu lahaado sifada khibrada iyo amaanada waxa uu kasoo baxayaa shaqada loo igmaday lakiin hadii laga waayo labadaa horumar ma gaadhsiin karo magaalo iyo waddan toona shirkadna waxba uma soo kordhin karo balse waxa uu horseedayaa burbur iyo dib u noqosho iyo waxtar la’aan dhinac walba ah .


By :khaalid maxamed cabdi

Email:khaalid.mc@gmail.com



*************************************************************************************

Shebekedda Afkashacabka.com masuul kama aha Aragtida iyo fikirka xorta ee qofka, balse waxa keliya ay dhiirigelinaysa is dhaafsiga aragtida iyo talo wadaaga bulshada, qoraaga ayaana qormadiisa xushmadeeda iyo xilkeedaba leh