Dadkii laga mamnuucay inay Mareykanka galaan oo dib u codsan kara dal-kugalka dalkaas

0
Saturday September 02, 2017 - 10:24:45 in by Burco Office
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadkii laga mamnuucay inay Mareykanka galaan oo dib u codsan kara dal-kugalka dalkaas

    Dadkii laga mamnuucay inay Mareykanka galaan oo dib u codsan kara dal-kugalka dalkaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadkii laga mamnuucay inay Mareykanka galaan oo dib u codsan kara dal-kugalka dalkaas Dadkii laga mamnuucay inay Mareykanka galaan oo dib u codsan kara dal-kugalka dalkaas

 

 

Dadkii loo diiday inay galaan dalka Mareykanka kaddib markii mamnuuciddii madaxweyne Donald Trump ayaa haatan dib u codsan kara dal-ku-galka dalkaasi, kaddib markii maxkamad federaal ah ay go`aan ka soo saartay.

Dowladda Mareykanka ayaa haatan la xiriiri doonta shakhsiyaadka ka laabtay xudduudaha kaddib amarkii sare oo dhaqan galay 27-kii January.

Heshiiska ayaanan damaanad qaadeynin in codsadayaasha ay helayaan dal-ku-galka.

Shakhsiyaadkii hore looga mamnuucay inay Mareykanka galaan ayaa ahaa labo muwaaddiin oo Ciraaq u dhashay oo kala ah; Hameed Khalid Darweesh iyo Haider Sameer Abdulkhaleq Alshawi.

Hameed Khalid Darweesh, dhexda, ayaa lagu xiray garoonka JFK bishii JanuaryMareykanka

Madaxweyne Trumpayaa amarkaasi saxiixay bishii January, kaas oo ka mamnuucaya muwaaddiniinta toddoba dal oo Muslim ah Soomaaliya ay ku jirto inay galaan Mareykanka.

Tallaabadaasi ayaa dhalisay cabashooyin badan iyo loollaln sharci ah.

Trump ayaa goor dambe difaacay go`aankiisa, isagoo sheegay inuusan ahayn mamnuucid ka dhan ah Muslimiinta.

Toddobada dal ee go`aankii hore ee 90-ka maalmood ahaa uu saameeyay ayaa kala ah Iiran, Ciraaq, Liibiya, Soomaaliya, Suudaan, Siiriya iyo Yemen. Ciraaq ayaa mar dambe laga saaray liiska.