Kuuriyada Waqooyi Oo Sheegtay Inay Tijaabisay Hub Niyukleer Ah

0
Sunday September 03, 2017 - 11:50:25 in by salman abdi
  • Visits: 461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuuriyada Waqooyi Oo Sheegtay Inay Tijaabisay Hub Niyukleer Ah

    Wax ka yar todobaad, ka dib markii ay tijaabisay gantaalkeeda riddada dheer kuuriyada waqooyi waxay sheegtay inay hormarinayso hubkeeda Niyukleerka casriga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax ka yar todobaad, ka dib markii ay tijaabisay gantaalkeeda riddada dheer kuuriyada waqooyi waxay sheegtay inay hormarinayso hubkeeda Niyukleerka casriga ah.


Sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda, Kim Jong-un ayaa tijaabiyay boomka Hydrogenka kaasi oo lagu xiri karo gantaalada isaga talaaba qaaradaha .

Xukumadda Pyongyang ayaa hore tajaaboyin hubkeed u sameysay, dad badan oo khuburo ahna waxay aaminsanyihiin in inta badan gantaalada la ganay aysan awoodooda balaarnayn.

Haddi Kuuriyada Waqooyi ay awoodo u yeelato in hub niyukleer ah ay ku xirto gantaalada qaaradaha isaga talaaba, waxa uu Mareykan uu arki doona Qatar weeyn oo soo wajahday.

Madaxweynaha kuuriyada koonfureed Moon Jae-in ayaa sheegay bishii aanu soo dhaafnay in xukuumadda Piyongyang ay xadkeeda dhaafi doonto haddii ay hormariso hubkeeda Niyukleerka ee lagu xiri karo gantaalada iskaga gudbi kara qaaradaha.