Dawlada Maraykanka Oo Duqeyn Ku Diley Sarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab

0
Sunday September 03, 2017 - 11:57:21 in by salman abdi
  • Visits: 602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Maraykanka Oo Duqeyn Ku Diley Sarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab

    Diyaaradaha gantaaladu ku xidhan yihiin ee aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan (Drone) ayaa weerar ay fulisey ku dishey sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka al-Shabaab, sida ay sheegayaan warar laga helayo sirdoonka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradaha gantaaladu ku xidhan yihiin ee aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan (Drone) ayaa weerar ay fulisey ku dishey sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka al-Shabaab, sida ay sheegayaan warar laga helayo sirdoonka Soomaaliya.



Warar rasmi ah oo laga helay Dowladda Federaalka ayaa sheegaya in weerarku dhacay subaxnimadii Jimacada ee Ciida Carrafada kana dhacay meel ku dhaw deegaanka Kuunya Barrow gobolka Shabeelada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in ninka la diley lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xudeyfi waxa uu horey u soo noqdey Waaliga (Guddoomiyaha) Jubada Hoose ee al-Shabaab, Xudeyfi ayaa la sheegaa in uu aad ugu dhaw yahay Amiirka ururka al-Shabaab Abii Cubeydah, ma ahan nin codkiisa horey loo maqley sawirona laga hayo.

Deegaanka Kuunua Barrow ayaa al-Shabaab maalintii Jimacada ee Ciida Carrafada ku sameeyeen dhoolatus ciidan.

Bishii Luuliyo ayaa diyaaradaha dagaalka ee Marayknaku dileen sarkaal sare oo horey u ahaan jirey Waaliga (Guddoomiye) gobolka Banaadir ee al-Shabaab Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), waxaana mar danbe dilkiisa xaqiijiyey ururka al-Shabaab.