Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Ka Hadlay Sida Aanay Suurta Gal U Ahayn In Somaliland Lagu Wareejiyo Hawadeeda

0
Sunday September 03, 2017 - 11:59:10 in by salman abdi
  • Visits: 458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Ka Hadlay Sida Aanay Suurta Gal U Ahayn In Somaliland Lagu Wareejiyo Hawadeeda

    Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, kana tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay Maamulka Hawada Somaliland iyo Somaliya, oo lagu wareejinayo Dawladda Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, kana tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay Maamulka Hawada Somaliland iyo Somaliya, oo lagu wareejinayo Dawladda Somaliya.


Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrikaayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada Madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa, Sicir bararka dalka ka taagan, iyo qodobo kale, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Sicir bararka  "Dhibaatooyinka culus ee dalka haysta, ee leh  sicir bararka iyo qaanuunkii dalka ee ay doonayaan in dad mucayin ahi gacantooda ku qaataan, oo jeebkooda gashadaan, in laga xoroobo ayaa muhiim ah oo  ILLAAHAY baynu ka rajaynayaa in xor laga noqdo, ciidan ciideedana waxaan inoogu ducaynayaa in inagoo degan oo dhibaatooyinkan faraha badan ee ay ka mid yihiin sicir bararka, boobkan dhegaha la’a ee indhaha la’a ee dawladda Kulmiye ku hayso dalka inuu inaga dhamaado, oo aynu yeelano dawlad wanaagsan oo dadku wada leeyahay, oo la soo doortay oo Waddani-ya, insha allaah inay inoo dhalato”.

 

Siyaasi Ismaaciil Buubaa mar uu la hadlaayey Komishanka Doorashooyinka ayaa yidhi "Komishanka waxa looga baahan yahay in si hufan oo geesinimo leh oo shuruucdii u deganayd Doorashada oo cid walba u hogaansato ayaan kula talinayaa”.

Buubaa mar aanu wax ka weydiinay sababta keentay in Hawada Somaliland iyo Somaliya  in la yidhaahdo waxa lagu wareejinayaa Dawladda Somaliya ayaa ku jawaabay"In arintan dadweynaha laga jaahil saaro ayaa muhiim ah, maamulka Hawada sida Madax-banaanida oo kale weeye, Qaramada Midoobayna qaanuun ay ku shaqeeyaan ayaa jira, markii hore Hawada waxa laga maamuli jiray Kanada, imikana waxa laga maamulaa Kenya, laakiin guud ahaan Hawada Caalamka waxa laga maamula Kanada, oo Qaraamada Midoobay ayaa ku shaqeeya, qaanuunkiina waa sidiisii, in dadweynaha si run ah loogu waramo ayaa muhiim ah mar haddii ay Somaliland aqoonsi ka hesho Beesha Caalamka lagama wada hadli karo maamulka Hawada, markaas waxa loo baahan yahay si arintan loo soo af jaro in madax-banaanida Somaliland ee 1960 Ingiriiska ka qaadatay in si haboon ula soo noqoto, taasina ay ku timaado is af garasho iyo walaaltinimo Somaliland iyo Somaliya ka dhexeeya, labada dalna dan bay u tahay, in Somaliya deganaasho iyo horumar ku noolato, Somaliland deganaasho iyo horumar ku noolato, 1960 waxa la isku yimid iyadoo walaalo la yahay, oo laba dal la kala yahay, maantana iyadoo walaalo la yahay ayaa in mid waliba danaheeda ay maamulato, markaas ayey Somaliland ay u soo noqon kartaa maamulka hawadeedu, laakiin suuragal maaha in iyadoo Somaliland madax-banaani ka haysan Caalamka maamulkii hawada ayaa ii soo noqoysa ee dadweynaha si wanaagsan wax ha loogu sharaxo, oo ha loo sheego hawadeena soo noqoshadeedu waxay ku xidhan tahay”.

Mar aanu wax ka weydiinay haddii Maamulka Hawada Somaliland Somaliya lagu wareejiyo waxa ka dhalan kara ayaa ku jawaabay "Kursigii Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Somaliya, imikaba Muqdisho ayaa lagu wareejiyey, waa sidaas oo kale Maamulka Hawaduna, marka aynu aqoonsi Caalamiya helno, ayey arintani dhammaanaysa, ilaa iyo inta aynu Aqoonsi helaynana arintana wey taagnaanaysa”.

Siyaasi Ismaaciil Buubaa mar uu ka hadlaayey khilaafkii Golaha Wakiilada ee la xaliyey ayaa yidhi "Khilaafkaasi si hufan buu u dhammaaday, Cabdiraxmaan Cirro iyo hogaanka Xisbiga Waddani-na waxay muujiyeen xilasnimo, arin iska hor imaad iyo dhib abuuri lahayd ayey ka badbaadiyeen, waana arin aad iyo aad loogu bogaadiyo ay tahay”.

Mar uu ka hadlaayey in Gobolka Awdal uu helo Xilka Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Wakiilada ayaa yidhi "Doorashada ka dhacday Golaha Wakiiladu, waxay ahayd Doorasho la isku wada raacsan yahay, may ahayn mid ka timid Xisbiga Kulmiye, in Gobolka Awdalna uu ka mid noqdo Hogaanka Golaha Barlamaanka aad iyo aad baan u soo dhaweeynayaa”.